12/3/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 30, 2012
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu Horkacayo oo Degmada Afgooye kula kulmay Waxgaradka degmadaas
Isniin, July 30, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta gaaray degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose, halkaasoo ay maalmihii ugu dambeeyay ka geysanayeen ciidamada DKMG ah falal ammaan-darro, iyagoo la kulmay waxgaradka degmadaas

Safarka madaxweynaha uu ku tagay Afgooye oo ahaa mid saxaafadda laga qariyay ayaa waxaa ku wehlinaya wasiirrada gaashaadhigga, arrimaha gudaha, wasiirka garsoorka iyo arrimaha diinta iyo saraakiil ka tirsan kuwa ciidamada DKMG ah.

Madaxweyne Shariif ayaa ka dalbaday saraakiisha ciidamada dowladda KMG ah inay ka shaqeeyaan sidii ammaan degmada loogu soo dabbaali lahaa, isagoo si gaar ah dusha uga saaray arrintaas taliye ku xigeenka ciidamada xoogga dalka, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan).

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka ogolaaday odayaasha degmada inay soo xushaan ciidammo gaar ah oo ay garanayaan si ay ammaanka u sugaan, balse wuxuu ka digay inaysan ka mid noqon Al-shabaab, isagoo ciidamadaas ugu magac-daray ciidanka ilaalada dariska oo hoostaga ciidamada nabad-sugidda.

Wasiirka garsoorka oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in dadka reer Afgooye looga baahan yahay inay keensadaan dad uga shaqeeya dhinaca garsoorka, isagoo xusay in garsoorka uu yahay midka kala hagi kara dadka.

Taliyaha ciidamada milateriga, Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo abaanduulaha ciidamada xoogga, Jen. Dhego-badan oo labaduba hadlay ayaa waxay sheegeen in laga shaqeynayso sidii ammaanka lagu adkeyn lahaa.

Intii ay kulammo socdeen waxaa xabsiga loo taxaabay qaar ka mid ah saraakiishii ciidamada dowladda KMG ah ee ku sugnaa degmada Afgooye kuwaasoo laga xusay sarkaal lagu magacaabo Doodishe, iyadoo saraakiishan lagu eedeeyay inay mas'uul ka ahaayeen falal ammaan-darro oo degmada ka dhacay.

Shacabka ku nool degmada Afgooye ayaa waxay toddobaadyadii ugu dambeeyay ka cabanayeen dhac ay ciidamada dowladdu u geysanayeen, iyadoo sidoo kale ay ka dhaceen degmadaas dilal loo geystay dad rayid ah oo ay ku jireen abbe iyo wiil uu dhalay.

Degmada Afgooye oo 30-km ka xigta Muqdisho dhinaca waqooyi-galbeed ayay bishii May ee sannadkan kala wareegeen ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM xoogagga Al-shabaab oo muddo sannado ah gacanta ku hayay.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in dhowr weerar ay dhaceen intii madaxweynaha iyo wafdigiisa ay ku socdeen waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, kuwaasoo la sheegay inay soo qaadayeen xoogag taabacsan Al-shabaab, balse aan geysan wax khasaare ah.

Socdaalkan ayaa wuxuu noqonayaa kii saddexaad oo madaxweynaha Soomaaliya uu ku tago degmada Afgooye tan iyo markii Xarakada Al-shabaab laga qabsaday oo laga joogo laba bilood.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
7/30/2012 9:25 AM EST
Isniin, July 30, 2012 (HOL) — Madaxweynaha maamulka Galmudug, Col. Maxamed Axmed Caalin oo ku sugan magaalada Nairobi oo dhawaan wadnaha looga qalay ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo shirka ansixinta dastuurka ee Muqdisho ka socda, isagoo ka digay doorashooyin madaxweyne oo ka dhaca Galmudug.

7/30/2012 8:55 AM EST
Isniin, July 30, 2012 (HOL) — Ergooyinka beesha shanaad ayaa waxay maanta ka dhigeen xarunta uu shirku ka socdo dibadbax cabasho ah, kaasoo ay ku sheegeen inay kaga soo horjeedaan nidaamka 4.5-ka ee lagu qaybsado awoodda dalka.

7/30/2012 6:26 AM EST
Isniin, July 30, 2012 (HOL) — Qiimaha badeecadaha quutul-daruuriga ah ayaa sare u kac uu ku yimid bishan barakaysan ee Ramadaan, halka qiimihii sarifka doollarkuna hoos uga dhacay suuqyada sarifka Somaliland.

7/30/2012 3:39 AM EST
Isniin, July 30, 2012 (HOL) — Daaladda jaamacadaha Soomaaliya ee Somali-Ren ayaa deeq ka kooba kambiyuutarrro iyo birinto casri ah oo ay ugu deeqday dowladda Turkiga ku wareejisay jaamacadda Simad oo ka mid ah jaamadaha ka howlgala magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

7/30/2012 3:23 AM EST
Isniin, July 30, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha dowladda KMG ah ee Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali oo kormeer ku tahay Axaddii shalay xarunta uu ka socdo shirka ansixinta dastuurka ayaa sheegay inuu rajo weyn ka qabo in muddadii horay loogu qabtay lagu ansixiyo dastuurka qaybyada ah.

7/30/2012 3:17 AM EST
Isniin, July 30, 2012 (HOL) — Wararka laga helayo degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in halkaas ay tan iyo xalay ka jireen dhaqaaq ciidan oo ay sameynayeen ciidamada DKMG ah iyo kuwa caawinaya ee Itoobiya.