3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 30, 2012
Ra'iisul Wasaaraha Somalia oo muujiyay rajada uu ka qabo in la Ansixiyo Dastuurka oo uu weli muran ka taagan yahay
Isniin, July 30, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha dowladda KMG ah ee Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali oo kormeer ku tahay Axaddii shalay xarunta uu ka socdo shirka ansixinta dastuurka ayaa sheegay inuu rajo weyn ka qabo in muddadii horay loogu qabtay lagu ansixiyo dastuurka qaybyada ah.

Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo ka mid ahaa xubnihii la socday ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ka warbixiyay sida ay howsha u socoto isagoo tilmaamay in kulammadu ay si wanaagsan u socdaan isagoo sheegay in ergada iyo guddiga farsamo ay si wadajir ah u wada shaqeynayaan.

“Ra’iisul wasaare howshu waxay u socotaa si wanaagasan waxaana la gudo galay dooddii ku saabsanayd dastuurka... waxaa laga dooday xeer hoosaadkii waana la ansixiyay, dastuurkana waa loo wada aqriyay ergada, waxaana howsha si hufan u wada ergada ansixinta dastuurka iyo guddiga farsamada,” ayuu yiri Xoosh oo ka warbixinayay sida uu kulanku u socdo.

Wasiirka ganacsigga iyo warashadaha, Cabdiwahaab Ugaas Xuseen ayaa aad uga mahad-celiyay howsha ay ergada ansixinta dastuurka hayaan, wuxuuna wax lagu farxo ku tilmaamay sidii wanaagsanayd oo ay u ansixiyeen ergada iyo guddiga farsamada xeer hoosaadka dastuurka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ugu dambeyn hadlay ayaa kula dardaarmay ergada u fadhida ansixinta dastuurka inay howsha dedejiyaan maadama uu waqtigu ciriiri yahay.

"Waa inaad dadaal muujisaan waana ku faraxsanahay sida aad howsha u qaybiseen; waxaana rajeynayaa inta dhimana inay si wanaagsan u dhameystirmi doonoo hadduu Alle yiraahdo," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Soomaaliya la hadlayay ergada ansixinta dastuurka.

Ugu dambeyn, ra'iisul wasaaruhu wuxuu sheegay inay rajo aad u wanaagsan ka qabaan in la ansixiyo dastuurka, iyadoo hadalkiisa uu imaanayo xilli ay mas'uuliyiinta hay'adda culummada Soomaaliyeed sheegeen in qodobbo dastuurka ku jira ay ka horimaanayaan diinta Islaamka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
7/30/2012 9:25 AM EST
Isniin, July 30, 2012 (HOL) — Madaxweynaha maamulka Galmudug, Col. Maxamed Axmed Caalin oo ku sugan magaalada Nairobi oo dhawaan wadnaha looga qalay ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo shirka ansixinta dastuurka ee Muqdisho ka socda, isagoo ka digay doorashooyin madaxweyne oo ka dhaca Galmudug.

7/30/2012 8:55 AM EST
Isniin, July 30, 2012 (HOL) — Ergooyinka beesha shanaad ayaa waxay maanta ka dhigeen xarunta uu shirku ka socdo dibadbax cabasho ah, kaasoo ay ku sheegeen inay kaga soo horjeedaan nidaamka 4.5-ka ee lagu qaybsado awoodda dalka.

7/30/2012 6:59 AM EST
Isniin, July 30, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta gaaray degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose, halkaasoo ay maalmihii ugu dambeeyay ka geysanayeen ciidamada DKMG ah falal ammaan-darro, iyagoo la kulmay waxgaradka degmadaas

7/30/2012 6:26 AM EST
Isniin, July 30, 2012 (HOL) — Qiimaha badeecadaha quutul-daruuriga ah ayaa sare u kac uu ku yimid bishan barakaysan ee Ramadaan, halka qiimihii sarifka doollarkuna hoos uga dhacay suuqyada sarifka Somaliland.

7/30/2012 3:39 AM EST
Isniin, July 30, 2012 (HOL) — Daaladda jaamacadaha Soomaaliya ee Somali-Ren ayaa deeq ka kooba kambiyuutarrro iyo birinto casri ah oo ay ugu deeqday dowladda Turkiga ku wareejisay jaamacadda Simad oo ka mid ah jaamadaha ka howlgala magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

7/30/2012 3:17 AM EST
Isniin, July 30, 2012 (HOL) — Wararka laga helayo degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in halkaas ay tan iyo xalay ka jireen dhaqaaq ciidan oo ay sameynayeen ciidamada DKMG ah iyo kuwa caawinaya ee Itoobiya.