4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 30, 2012
Qiimaha Maciishada Somaliland oo sare u kacay bisha Ramadaan iyo Sarifka Doolarka oo hoos u dhac uu ku yimid
Isniin, July 30, 2012 (HOL) — Qiimaha badeecadaha quutul-daruuriga ah ayaa sare u kac uu ku yimid bishan barakaysan ee Ramadaan, halka qiimihii sarifka doollarkuna hoos uga dhacay suuqyada sarifka Somaliland.

Jamaal Xuseen Ismaaciil oo ka mid ah ganacsatadda Somaliland oo isbedelka ku dhacay qiimaha meceeshadda HOL uga waramay ayaa sheegay in guud ahaan bisha Ramadaan ay korodho qiimaha meceeshaddu, waxaanu sheegay in qaybna sare u kaceen, halka qarkoodna aanay wax is bedel ahi ku dhicin.

Sidoo kale, waxa magaaladda Hargeysa aad looga waayey timirta oo ah raashinka aadka loo isticmaalo bishan Barakaysan ee Ramadaan, waxaana la sheegayaa inuu ku yimid kala go’, iyadoo arirntaasna lagu sababeeyey baahidda Timirta oo badatay iyo ganacsatadii keeni jiray oo midba mid kale ku haleeyey keenista Timirta, taasina ay keentay inay kala go’do, maadaama oo bishii hore ee Ramadaan ay ku khasaareen ka dib markii Timir badan la keenay, isla markaana ay keentay in qoloba qolada kale  is tidhaa way keeni timirta ayuu ku sababeeyey ganacsade aanu wax ka waydiinay yaraanshaha Timirta ee sanadkan, waxaanu sheegay in barigii hore labaatan Koontineer la keeni jiray, balse sanadkan la keenay toban koontiinar, taasina ay keentay Timir yaraanta jirta.

Si kastaba ha ahaatee, Raashinka kordhay iyo Ramadaanta ka hor inta ay ahaan jireen  ayaa faraq weyne u dhexeeyaa, waxaana Gadbadda Bariiska ee 50Kg ramadaanta ka hor lagu iibin jiray 26 doollar, waxayna imika lagu iibinaya $27.5 dollar, Sonkorta 50kg waxa hore u joogtay 27 dollar, imikana 28.5 dollar, Daqiiqdu wax weyn isma bedelin hore waxa lagu iibin jiray 25 dollar imikana 25.5 dollar,  Jirikaanka (Caagadda) Saliidda ah ee 10 Litir waxa hore loogu iibin jiray 26 dollar, imikana 27 dollar.

Sidoo kale, waxyaalaha kor u kacay waxa ka mid ah Khudaarta oo bishan Ramadaan aad loo isticmaalo waxaana ka mid ah khudaarta Qaali garowday Basasha 12 Kg oo loo yaqaan (Faraasilad) waxa hore lagu iibin jiray 6 dollar, halka ay imika ka noqotay 12 dollar,  Baradhadda  12 Kg waxa hore loogu iibin jiray 25,000 SHSL (shan iyo labaatan kun oo Shiling Somaliland ah), imika waxa lagu iibiyaa 40,000 SHSL (Afartan kun oo Somaliland shilling ah).

Sidoo kale, Tanaga Timirta waxa hore loo kala siisan jiray 12 dollar, imika waxa lagu iibinayey 18 doollar, Meceeshadda aan is bedelin waxaa ka mid ah Caanaha oo wax isbedel ahi ku dhicin waxaana laguna iibinayey 14 dollar, sharaabka budada oo ah mid aad loo isticmaalo waxa isna uu marayaa 7.5 doollor, halka sharaabka kale ee Ilotaango loo yaqaana lagu iibinayo 5 dollar, Kartoonka Baastaddu waxba isma bedelin oo waxa markii hore iyo imikaba la kala siistaa 10 dollar, kalluunka ayaa isna wax qiimo korodh ahi ku dhicin waxaana kartoonkiisa lagu iibinayey 12 dollar.

Sidoo kale, waxa iyana hoos u dhac ku yimid sarifkii lacagta Doollar ah oo qoysas badan oo dibadda laga soo biiliyo ay wax badan ka go’ayaan marka  shilin Somaliland loogu bedelo, waxaana barigii hore boqolka dollar lagu sarifi jiray  670,000 SHSL, waxa imika lagu sarifaa 640,000 SHSL (Somaliland Shilling), taas oo dhibaato ku ah qoysas badan ka dib markii lacagtii dollarka ee  masruufka u qaadan jireen hoos u dhac ku yimid, halka raashinkiina sare u kaceen.

Sidoo kale, waxa iyana sanadkan aad u soo go’ay Xabxabkii oo bishan Ramadaan dadweynaha sooman aad u jecel yihiin,kuwaas oo aad loo iibsado, isla markaana meel kasta laga helayo, haseyeeshee qiimo go’an oo la kala siistaa ma jirto nin waliba waxa uu doono ayuu siinayaa, waxaanu iskugu jira nooc yayar yar, qaar dhexe iyo kuwa waaweyn, waxaana ka u weyn lagu iibinayey 20,000 SHSL, halka ka u yarna lagu iibinayey 8,000 SHSL.

Si kastaba ha ahaatee, danyarta magaaladda Hargeysa ayaa goyn kari waayey Timirtii bishi Ramadaan, maadaama oo uu aad u qaali garowday, meelo badan aan lagu iibin, waxaana la sheegayaa inay intii taalayna hore loo boobay, taasina waxay keentay in sanadkan danyartii Timir la’aani ku dhacday.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online  
[email protected]
Hargeysa, Somaliland