5/28/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 28, 2012
Maxjarkii ugu weynaa ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo maanta laga furay deegaanka Jasiira ee duleedka Muqdisho

Sabti, July 28, 2012 (HOL) — Xaflad si heer sare ah loosoo agaasimay oo ay ka qayb-galeen mas'uuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya, ganacsato, dhakhaatiirta caafimaadka xoolaha, mas'uuliyiin ka tirsan maamullada gobollada Banaadir iyo Shabeellada hoose oo lagu furayay maxjar weyn oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho.

Maxjarkan ayaa waxaa furtay shirkad lagu magacaabo Ancaam oo ay ganacsato Soomaaliyeed leeyihiin, waxaana dhismaha maxjarkan uu socday muddo saddex sano ah, waxaana ay ku baxday lacag gaaraysa 3,300,000 oo doollarka Mareykanka ah.

Guddoomiyaha maxjarkan, Maxamed Cali Iimaan oo ugu horreyn ka hadlay furitaanka maxjarka ayaa sheegay in maxjarkan uu dabooli doona baahida gobollada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay u qabaan inay helaan maxjar lagu sii hayo xoolaha nool inta aan la dhoofin. Isagoo sheegay in maxjarkan ay shaqo ka heli doonaan kumannaan qof oo Soomaaliyeed, laga soo billaabo miyiga illaa dekedda laga dhoofinayo.


Ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka ganacsiga iyo warshadaha dowladda KMG ah, C/wahaad Ugaas Xuseen ugaas Khaliif oo xafladda ka hadlay ayaa u mahadceliyay intii kasoo shaqeysay inuu maxjarkan hirgalo, isagoo sheegay in DKMG ah ay ku caawin doonto wixii ay ganacsatada furay maxjarka u baahan yihiin.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka, C/samad Macallin Maxamuud oo isaguna ka hadlay goobta ayaa sheegay inuu u mahadcelinayo ganacsatadii hirgeliyay maxjarka, isagoo sheegay inaysan u suurogasheen furitaanka maxjarkan haddii aysan nabadi jirin.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo isaguna ka hadlay xafladda ayaa sheegay in ganacsatada maxjarkan furtay ay yihiin kuwo geesiyaal ah oo ku dhiirrigelinaya ganacsatada kale inay iyaguna dalkooda maal-gashadaan, isagoo xusay in maamulka gobolka Banaadir uu dhul siinayo ganacsatada doonaysa inay Muqdisho ka hir-geliyaana warshadaha yaryar.

Waxaa sidoo kale xafladda ka hadlay ganacsade u dhashay dalka Cummaan oo lagu magacaabo Axmed Saalim, kaasoo sheegay in dalkiisa uu aad u daneynayo sidii uu u qaadan lahaa xoolaha Soomaaliya, isagoo goobtaas ka ballanqaaday in xoolaha ugu horreeya ee maxjarkan la keeno uu dalkiisa noqon doono midka loo dhoofiyo.


"Xoolaha Soomaaliya waa kuwo aad u hilib macaan, taas ayaana keentay in tartan loo galo in xoolaha Soomaaliya loo iibgeeyo dalal badan oo caalamka ah, gaar ahaan kuwa ku yaalla Khaliijka Carabta," ayuu yiri Axmed Saalim.

Ugu dambeyn, madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay furitaanka maxjarka ayaa u mahadceliyay shirkadda Ancaam oo suurogelisay furitaanka maxjarka oo ah mid aad u weyn, wuxuuna sheegay dowladda KMG ah ay dhiirri-gelin doonto ganacsatada doonaysa inay maal-gashadaan dalkooda.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
7/28/2012 9:07 AM EST
Sabti, July 28, 2012 (HOL) — Hay'adda nabadsugidda DKMG ah ee Soomaaliya ayaa soo bandhigtay maanta sarkaal iyo askari kasoo goostay Xarakada Al-shabaab sida ay labadan ruux u sheegeen warbaahinta.

7/28/2012 8:30 AM EST
Sabti, July 28, 2012 (HOL) — Guddidda la dagaanka cudurka HIV/AIDS Somaliland, ayaa sheegay in sanadkan hoos u dhac ku yimid fiditaankii cudurkaasi marka loo eego heerkiii uu sanadkii hore marayey.

7/28/2012 8:20 AM EST
Sabti, July 28, 2012 (HOL) — Ergada ansixinaysa dastuurka qaybo-qoraalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah loo akhriyay dastuurka oo ka kooban 79-qodob, iyadoo lagu wado in berri ay ka doodaan qodobbada ay u arkaan inay yihiin kuwo ay khaladaad ku jiraan.

7/28/2012 8:06 AM EST
Sabti, July 28, 2012 (HOL) — Munaasabad maanta ka dhacday Muqdisho ayaa lagu dhaafiyay 52 garsoore oo loogu talo-galay inay ka howlgalaan maxkamadda dalka, iyadoo xafladda dhaarinta ay ka qaybgaleen madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, wasiirro iyo guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka.

7/28/2012 7:35 AM EST
Sabti, July 28, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dowladda KMG Soomaaliya, Caydiid C/llaahi Ilko-Xanaf oo maanta ka hadlayay munaasabad lagu qabtay Muqdisho oo lagu dhaarinayay garsoorayaal ayaa sheegay in dastuurka qaybo-qoraalka aysan ku caddeyn xuquuqda garsoorka Soomaaliya.

7/28/2012 7:03 AM EST
Sabti, July 28, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan iyo ciidamada DKMG ah ayaa siyaabo kala duwan saddex qof ugu dilay maanta degmooyinka Ufuroow iyo Baydhabo oo ka tirsan gobolka Ba iyo duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Lafoole.

7/28/2012 2:16 AM EST
Sabti, July 28, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa ka dlabaday beesha calaamka inay gacan ka geystaan sidii dhallinta Soomalaiyeed ee dalka ka tahriibaya dib loogu soo celin lahaa, isagoo madaxda DKMG ah ka dalbaday inay iyaguna doorkooda ka qaataan arrintan.

7/28/2012 2:15 AM EST
Sabti, July 28, 2012 (HOL) — Shirkii ansixinta dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya ayaa maanta dib uga billaabanaya magaalada Muqdisho kaddib markii uu shalay ku yimid hakad, taasoo uu wasiirka dastuurku ku sheegay inay ahayd cillad farsamo oo dhinaca kambiyuutarrada ah.

7/28/2012 2:06 AM EST
Sabti, July 28, 2012 (HOL) — Ugu yaraan shan qof oo saddex ka mid ah ahaayeen ciidamada dowladda KMG ah ayaa ku dhintay qaraxyo shalay oo Jimco ahayd ka dhacay koontaroolka ku yaalla duleedka degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.