4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 28, 2012
Madaxweynaha Maamul-goboleedka Putland oo beesha caalamka ka dalbaday in lasoo celiyo dhallinyarada ka tahriibaya Soomaaliya
Sabti, July 28, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa ka dlabaday beesha calaamka inay gacan ka geystaan sidii dhallinta Soomalaiyeed ee dalka ka tahriibaya dib loogu soo celin lahaa, isagoo madaxda DKMG ah ka dalbaday inay iyaguna doorkooda ka qaataan arrintan.

C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka cararayaan dalkooda halkii ay dib u dhiskiisa ka qaybqaadan lahaayeen, wuxuuna xusay inay jiraan dad ka ganacsada dhoofinta dhallinyarada iyo sidii ay dalkooda uga carari lahaayeen.

"Hay'adaha qoxootiga calaamiga ah iyo ICRC waxaan ka codsanayaa inay dib ugu soo celiyaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku silcaya dalka Liibiya deegaannadii ay u dhasheen ayna bixiyaan kharashka dib loogu soo celinayo iyagoo la kaashanaya Qaramada Midoobay oo dhaqaale badan ku bixisa Soomaaliya," ayuu yiri C/raxmaan Faroole oo saakay la hadlayay BBC-da.

Madaxweynaha Puntland wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda KMG ah ay kaalin ka qaadato sidii ay arrintaas ku suurogeli lahayd isagoo sheegay in madaxda DKMG ah ay hadda mashquulsan yihiin, balse kursi ama xafiis la raadiyo ay ka daran tahay dhibaatada haysata dadka Soomaaliyeed.

"Waxaa nasoo wacay xalay goor dambe dad lagu qiysaasay 90-qof oo dooni ay kula cilladowday badda u dhexeysa Liibiya iyo Talyaaniga, waxaana la xiriirnay dowladda Talyaaniga aakhirkiina waxaa la geeyay xeebta Liibiya," ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Hadalka madaxweyaha Puntland ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo ay laba doomood oo wada tahriibayaal Soomaaliyeed oo ka ambabaxay dalka Liibiya ay ku cilladoobeen badda midetereeniyaanka halkaasoo marin u ah muhaajiriinta si ay u gaaraan Yurub.

Dalka Liibiya ayaa waxaa ku xirxiran dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed kuwaasoo ay qaarkood gacanta ku hayaan kooxo hubeysan oo aan hoostegin maamulka ka jira dalka Liibiya, waxaana dhallinyaradaas oo isugu jira rag iyo dumar ay sheegeen in loo geysto dhibaatooyin kala duwan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya