4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 7 , 2012
Toban Murashax oo Barnaamijkooda Siyaasadeed Maanta ka horjeedin doona xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Jimco, September 07, 2012 (HOL) — Toban Murashax oo ka mid ah 25-ka murashax ee u tartamaya doorashada madaxweynenimo ee Soomaaliya ayaa waxay maanta ka horjeedin doonnaan xidhibaannada baarlamaanka Soomaaliya barnaamijyadooda siyaasadeed oo ay doonayaan inay dalka ku hoggaamiyaan haddii ay ku guuleystaan doorashada madaxnimo.

Kulanka ay murashaxiintu kula hadlayaan xildhibaannada ayaa wuxuu gallinka dambe ee maanta ka dhacayaa xarunta golaha shacabka ee Muqdisho, waxaana guddiga doorashadu ay sheegeen in murashax walba la siinayo 20-daqiiqo oo uu khudbadiisa kusoo koobo.

Murashaxiinta maanta oo Jimco ah jeedinaya khudbooyinkooda ayaa waxay kala yihiin:

  1. Prof. Axmed Ismaaciil Samatar
  2. Xuseen Khaliif Jaamac
  3. Maxamed Axmed Saalax
  4. Cabdullaahi AxmedCaddoow
  5. Maxamed Cabdullaahi Oomaar
  6. Sheekh Shariif Sheekh Axmed
  7. Cabdweli Maxamed Cali Gaas
  8. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
  9. Salaad Cali Jeelle
  10. Cumar Salaad Cilmi

Sidoo kale, maalinta berri oo Sabti ah ayaa waxaa lagu wadaa inay barnaamijyadooda siyaasadeed ka horjeedin doona 15-ka murashax ee kale, iyadoo kulankaas uu furmi doono 9:00 subaxnimo.

Doorashada madaxweynenimo ee Soomaaliya ayaa waxay 10-ka bishan September ka dhacaysaa magaalada Muqdisho, iyadoo doorashadan oo ah mid aad u adag ay noqonayso tii ugu horreysay oo Muqdisho ka dhaca muddo 42-sano ah kaddib.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya