4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 7 , 2012
Madaxweynaha Mareykanka oo ogolaaday inuu Tartanka Doorashada Mareykanka uga qaybgalo Xisbigiisa Dimuqraadiga

Jimco, September 07, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Mareykanka, Barack Hussein Obama oo hadal ka jeediyay shirweynihii xisbiga Dimuqraadiga ee lagu soo gabgabeeyo magaalada Shalot ee gobolka North Carolina ayaa sheegay inuu aqbalay inuu xisbigiisa uga qaybgalo doorashada madaxnimo ee Mareykanka oo dhacaysa bisha November ee sannadkan.

Obama oo dalka Mareykanka xukumayay afatii sano ee lasoo dhaafay ayaa khudbadiisa ku sheegay inay ka go’an tahay inuu ka shaqeeyo sidii dhaqaalaha dalkaas uu sare ugu qaadi lahaa, isagoo ku eedeeyay xisbiga Jamhuuriga inaysan wax qorshe ah u hayn Mareykanka.

"Aniga iima dooran inaan idiin sheego waxaa doonaysaa inaad maqashaan ee waxaad ii doorateen inaad idiin sheego runta," ayuu yiri Obama, isagoo xusay inay ka go’an tahay inuu isbedel weyn oo dhinaca dhaqaalaha sameeyo haddii mar kale la doorto.

Sidoo kale, Obama wuxuu sheegay inuu wax ka qaban doono mustaqbalka arrimo ay ka mid yihiin horumarinta warshadaha, tamarta, waxbarashada iyo ammaanka Qaranka si shaqooyin fara badan loo helo.

Dalka Mareykanka ayaa waxaa afartii sanaba mar laga qabtaa doorashooyinka madaxnimo oo ay u tartamaan laba xubnood oo ka socda xisbiga Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga dalkaas oo ku loolama awoodda xukun ee Mareykanka.

Xisbiga Jamhuuriga ayaa laba maalmood ka hor u doortay inuu doorashada madaxnimo ee dalka Mareykanka uu uga qaybgalo Mitt Romney, wuxuuna tartan adag la geli doonaa madaxweynaha xilligan ee Mareykanka Obama.

Ololayaal doorasho oo adag ayaa dhaca inta aan la gaarin bisha November oo lagu wado inay dhacaan doorashooyinka madaxnimo ee Mareykanka, iyadoo labada murashax ay dhexmari doonaan saddex doodood oo meelo faraage ah ka dhacaya, iyadoo doodad ugu horreysa ay dhici doonto saddexda bisha Oktoobar ee soo socota.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya