4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 21, 2012
Wariye kale oo goordhow ay kooxo hubaysan ku toogteen magaalada Muqdisho

Jimco, September 21, 2012 (HOL) - Kooxo bastoolado ku hubaysan ayaa toogtay wariye Xassan Yuusuf Absuge oo kamid ahaa warfidiyeenka ka hawlgala magaalada Muqdisho.

Wariyahan oo ahaa madaxii banaamijyada idaacada Radio Maanta ayaa lagu toogtay gudaha degmada Yaaqshiid, iyadoo dablaydii weerarkan fulisay ay sii dileen askari ka tirsan ciidanka, kadibna ay ka baxsadeen goobtaasi.

Ma jirto cid sheegatay weerarkan, balse waxaa uu yimid xilli isla maanta la aasay dad ku dhow 20 qof oo ku dhintay weeraro ismiidaamin ahaa oo ka dhacay Muqdisho shalay, kuwaasoo ay ku jireen wariyayaal ka shaqaynayay warbaahinta qaranka.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho , Soomaaliya