Jimco, September 21, 2012 (HOL) — Tirada dadkii ku dhintay qaraxyadii xalay ka dhacay Muqdisho ayaa aad u sii kordhay, iyadoo tiradu ay haadda marayso 22-qof oo shacab u badnaa, iyadoo aysan weli ka hadlin weerarkan Xarakada Al-shabaab oo ay dowladdu ku eedeysay.
Dhaawacyadii ka dhashay qaraxyada ayaa qaarkood ku dhintay isbitaallada taasoo sare u qaadday tirada dhimashada, waxaana weerarkan si adag u cambaareeyay madaxweynaha Soomaaliya isagoo ku sheegay inaan wax faa'iido ah laga helayn adduun iyo aakhiro.
Isbitaallada Madiina iyo Daarul-shifa oo la dhigay dhaawacyadii ismiidaamintan ka dhashay ayaa waxaa ku dhintay dad dhaawacyadoodu ay markii horeba ahaayeen kuwo culus, waxaana saraakiil caafimaad oo isbitaalladan u hadlay ay sheegeen in dhaawacyada qaarkood ay gubteen.
Saddex wariye oo laba ka mid ah ay u shaqeynayeen warbaahinta dowladda ayaa ku dhintay weerarradan oo ay fliyeen rag xiran waxyaabaha qaraxa, kuwaasoo si lama filaan ah ugu qarxay maqaayad ay dad badan ku sugnaayeen oo ku taalla guriga hooyooyinka.
"Dhaawacyada la keenay isbitaalka qaarkood way gubteen, qaar kalena waxaa ku yaalla jirkooda dhaawacyo ka dhashay firir madfac," ayay tiri sarkaalad caafimaad oo u hadashay isbitaalka Madiina ee Muqdisho.
Xarakada Al-shabaab ayaan weli ka hadlin qaraxyadan inay mas'uul ka tahay iyo in kale, iyadoo saraakiisha ammaanka dowladda Soomaaliya ay ku eedeeyeen Al-shabaab oo horay u sheegtay qaraxyadii lagu weeraray hoteel Jaziira oo uu deggenaa madaxweynaha Soomaaliya.
Weerarkan ayaa waxaa cambaareeyay beesha caalamka iyo hay'adaha xuquuqda aadanaha, iyagoo ku tilmaamay weerar axmaqnimo ah, waxayna dadkii dhaawacyadu kasoo gaareen u rajeeyeen caafimaad deg-deg ah.
Qaraxyadan ayaa waxay noqonayaan kuwii labaad oo ay fuilyaan rag naftooda haligay, iyadoo qaraxan kii ka horreeyay uu ka dhacay toddobaadkii hore hoteel uu Muqdisho ka deggenaa madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan sagaal qof oo ay ku jireen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Tirada dadkii ku dhintay Qaraxyadii xalay Muqdisho ka dhacay oo korortay iyo Al-shabaab oo aan weli ka hadlin
More News
- Wariye kale oo goordhow ay kooxo hubaysan ku toogteen magaalada Muqdisho
- Xarunta Xuquuqda Aadanaha ee Dr. Ismaaciil Jimcaale oo cambaareysay qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho
- Wariyeyaashii ku geeriyooday Weerarradii Ismiidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay Muqdisho oo Maanta la Aasayo
- Mareykanka oo hadlay Dagaallada Jubbooyinka ee Kenya ay ku doonayso inay ku qabsato Magaalada Kismaayo
- Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in Qaraxyadii Muqdisho aysan dowladda ka leexinayn hadafkeeda Siyaasadeed
- Fannaankii Weynaa ee Soomaaliyeed Faysal Cumar Mushteeg oo saqdii dhexe ee xalay ku geeriyooday Somaliland