4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 17, 2012
Taliska Booliska Puntland oo sheegay in ammaanka magaalada Gaalkacayo uu yahay xiligan mid sugan.


Isniin, September , 17, 2012 (HOL)- Taliska ciidamada Booliska ee Puntland ayaa ka warbixiyey sida uu xiligan yahay ammaanka magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

 

Taliye ku xigeenka Booliska Puntland G/le sare Muxiyadiin Axmed Muuse oo maanta warbaahinta maxalliga ah la hadlay, ayaa sheegay in todobaadyadii u danbeeyey ammaanka magaaladu uu ahaa mid aad u wanaagsan.

 

Wuxuuna intaas ku daray in ciidamadu ay si joogto ah u sameeyaan howlgalo baaritaan iyo roondo isugu jira, dad badan oo laga shekisan yahayna ay soo qaqabteen.

 

 “Ciidamadu habeen iyo maalin way shaqeeyaan, dad badan oo la tuhunsan yahay ayaa la qabtay, Hoteelo badan ayaa la baaray, gaadiid dhowr ahna gacanta ayaa lagu soo dhigay” sidaas waxa yiri taliye ku xigeenka Booliska Puntland.

 

Dhinaca kale waxaa magaalada Mudiqsho ku sugan wefdi ka socda Puntland oo uu horkacayo wasiirka amniga Col. Khaliif Ciise Mudan. Ujeedada socdaalka wefdigan ayaa la sheegay in ay tahay sidii ay madaxda sare ee dalka ula yeelan lahaayeen kulan looga arinsanayo sida ugu haboon ee ay Puntland iyo xukuumadda Federaalku  arimaha ammaanka isaga kaashan karaan.

 

Magaalada Gaalkacayo oo ah magaalo xudun u ah inta badan gobolada dalka, islamarkaana u qaybsan labo dhinac oo ay maamulada Galmudug iyo Puntland ka kala arimiyaan, waxaa labadii sano ee u danbeeyey ka dhacay falal badan oo ammaanka liddi ku ah.

 

Waxaana dhowaan dhinaca uu maamulka Puntland ka taliyo gaarey ciidamo badan oo Daraawiish iyo Boolis isugu jira, si dib loogu soo celiyo xasiloonida guud ee magaalada, kadib markii ay rabshadaha Burcad badeeda iyo dilalka qorsheysni aad kor ugu kaceen.

 

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online

[email protected]

Puntland, Somalia