3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 17, 2012
Dabley wiil dhallinyaro ah ku dilay degmad Shibbis ee Gobolka Banaadir iyo ciidamada dowladda oo qaarkood qabtay

Isniin, September 17, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa xalay ku dilay degmada Shibbis ee gobolka Banaadir wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray, Zakariye Maxamed Maxamuud kaddib markii ay ku weerareen maqaayad uu ka casheynayay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in kooxaha dilka geystay ay dhowr jeer ku laabteen maqaayada intii marxuumka la dilay uu casheynayay, waxaana markii dambe ay ku dhufteen dhow xabadood, kuwaasoo keentay inuu isla goobta ku geeriyoodo.

"Dilku wuxuu ahaa mid qorsheysan, waxaana geystay afar ruux. Ciidamada dowladda ee degmada ku sugan waxaa u suurogashay inay qabtaan saddex ka mid ah kooxihii dilka geystay oo midkood uu dhaawac yahay," ayuu yiri goobjooge ku sugan degmada Shibbis.

Mid ka mid ah kooxihii dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta, iyadoo saraakiisha booliiska degmadaas ay sheegeen inay qabteen ruuxii xabbada ku dhuftay wiilka dhallinyarada ah, waxaana falkan uu ka mid noqonayaa falalka ammaan-darrada ah ee ka dhaca Muqdisho.

Degmada Yaaqshiid ayaa waxay ka mid ahay degmooyinkii ay sannadkii hore ka baxday Al-shabaab, waxaana tan iyo markii ay dadkii horay uga barakacay dib ugu laabteen ka dhacay falal ammaan-darro oo lagu dilay dad badan oo ay askari ku jirto.

Saraakiisha dowladda ee ku sugan degmada Shibbis ayaa sheegay in saddex ruux ee ay qabteen iyo midka baxsadayba ay ka tirsan yihiin Al-shabaab, iyagoo xusay inay raadinayaan midkii baxsaday.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
9/17/2012 11:53 AM EST
Isniin, September , 17, 2012 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhagax dhigay mashruuc balaadhan oo loo dhisayo xarun lagu daryeelayo Caruurta agoomaha ee Somaliland.

9/17/2012 11:52 AM EST
Isniin, September , 17, 2012 (HOL)- Xarunta madaxtooyada ee magaalada Garoowe waxaa maanta lagu dhaariyey xubno cusub oo dhowaan uu madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole kusoo daray golaha wasiirada. Mas’uuliyiintan oo ay tiradoodu 6 tahay ayaa isugu jira 2 wasiir iyo 4 wasiir ku-xigeen.

9/17/2012 11:51 AM EST
Isniin, September , 17, 2012 (HOL)- Taliska ciidamada Booliska ee Puntland ayaa ka warbixiyey sida uu xiligan yahay ammaanka magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

9/17/2012 4:55 AM EST
Isniin, September 17, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Kenya ayaa shalay gelinkii danbe la wareegay deegaanka Birta Dheer oo qiyaastii 60-km u jira magaalada Kismaayo kadib dagaallo faraha looga gubtay oo ay Al-shabaab kula galeen inta u dhexeysa deegaanada Birta Dheer Qalaawile ee gobolka Jubbada Hoose.

9/17/2012 3:33 AM EST
Isniin, September 17, 2012 (HOL) — Gabar Soomaali ah oo lahayd uur sagaal bilood ah ayaa lagu dilay magaalada Port Elezaberth ee dalka Koonfur Africa kaddib markii kooxo huubeysan ay u galeen guriga ay ka degenayd magaaladaas.

9/17/2012 3:13 AM EST
Isniin, September 17, 2012 (HOL) — Taliyaha ciidamada Midowga Afria ee AMISOM, Jen. Adrew Gutti ayaa raalli-gelin ka bixiyay shil uu mid ka mid ah gaadiidkooda ku dilay wiil dhallinyaro ah shalay oo Axad ahayd, xilli ay socotay munaasabad lagu caleemo-saarayay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

9/17/2012 2:51 AM EST
Isniin, September 17, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 40-qof oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa ku dhintay dagaallo culus oo ka dhacay deegaanno u dhexeeya magaalada Kismaayo iyo degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen.