Khamiis, Maarso 29, 2012 (HOL) — Ugu yaraan shan qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintay dagaal culus oo ciidamada Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmarya deegaanka Bohol-bashiir ee gobolka Gedo, waxaana dagaalka uu socday muddo saacad ku dhow.
Dagaalka ayaa qarxay markii gaadiid kolonyo ah oo ay wateen ciidamada Itoobiya oo kasoo ambabaxay deegaanka Yurkud kuna socday degmada Luuq lala beegsaday qarax miino ayna weerar ku qaadeen goobta xoogagga Al-shabaab.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo sidoo kale la sheegay in khasaare uu ka dhashay qaraxii miino ee lala beegsaday gadiidkii ay wateen ciidamada Itoobiya, inkastoo aan la ogeyn inta uu le'eg yahay khasaaraha.
Saraakiil u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in weerarka iyo qaraxa miino ay ku dileen askar badan oo Itoobiyaan ah, balse ciidamada Itoobiya ayaan ka hadlin dagaalka ay la galeen xoogagga Al-shabaab iyo khasaaraha kasoo gaaray.
Xaaladda ayaa hadda daggan iyadoo ciidamadii Itoobiya ay weli ku sugan yihiin goobtii uu weerarku ku qabsaday, halka xoogaggii Al-shabaab ay goobta isaga tageen, waxaana dagaalkan uu qayb ka noqonayaa dagaallo ciidamada Itoobiya iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmara Koonfurta Soomaaliya.
Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa intiisa badan gacanta ku haya ciidamada DKMG ah, kuwa Itoobiya iyo kuwa Kenya oo iskaashanaya, iyadoo xoogagga Al-shabaab ay kaga sugan yihiin gobolkaas degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya