Khamiis, Maarso 29, 2012 (HOL) — Dagaal u dhaxeeya dad xoolo dhaqato ah iyo beeraley ayaa waxa uu ka dhacay tuulada Qaraarey oo hoostagta degmada Buur-dhuubo ee gobbolka Gedo.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka dhashay muran ku saabsan dhul daaqsiin iyo warabiyood oo dhexmaray xoolaleyda iyo beeraleyda, waxaana la sheegay in laba dhinac uu dhexmaray dagaal xooggan oo sababay qasaarooyin lixaad leh.
Dagaalka ka qarxay deegaanka Qaraareey ayaa la xaqiijiyay in uu sababay dhimashada sideed qof iyo dhaawaca dad ka badan 10 qof, kuwaasoo ahaa dhinacyadii uu dagaalka dhexmaray.
Waxgaradka iyo odoyaasha degmada Buurdhuubo ayaa hada wado waan-waan la doonayo in lagu damiyo colaada u dhexeeysa beeraleyda iyo xoolaleyda wada degta deegaanada ku yaal duleedka degmada Buurdhuubo.
Aalaaba dagaallada ka dhasha muranka dhinaca daaqsiinta iyo warabiyoodyada ayaa ah kuwo ka dhaca gobolka Gedo, maadaama dadka ku dhaqan halkaasi ay yihiin dad isugu jira xoolo dhaqato iyo dhul qodoto.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya