4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 18, 2012
Ra'iisul Wasaaraha DKMG Somalia oo Odayaasha-Dhaqanka ka dalbaday inay soo gudbiyaan Ergada Ansixinta Dastuurka


Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed. Moqdisho, Somalia - Sawirka: Xafiiska R/W


Isniin, June 18, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha DKMG ah ee Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali oo maanta kulan la yeeshay odayaasha-dhaqanka Soomaaliyeed ee ku shirsan Muqdisho ayaa wuxuu kaga dalbaday inay sida ugu dhaqsiyaha badan kusoo gudbiyaan liiska ergadii ansixinta dastuurka cusub ee Soomaaliya.

Hadal uu ra'iisul waasaruhu u jeediyay odayaasha ayuu ku sheegay in haddii aysan howlahooda soo dadajin ay keeni karto in fashil uu ku yimaado howlaha lagu doonayo in looga baxo xilliga KMG ah.

"Waxaa la idinka doonayaa inaad dar-dargelisaan howlihiinna oo aad soo gudbisaan liiska ergada ansixinta dastuurka cusub ee Soomaaliya, waayo dastuurku wuxuu ka mid yahay qorshayaasha looga baxayo xilliga KMG ah looga baxayo," ayuu C/weli Gaas u sheegay odayaashii uu la hadlay.

Ra'iisul wasaaruhu wuxuu intaas ku daray in howlaha odayaasha dhaqanka uu kala socday hadba meesha uu ku sugan yahay, isagoo si aad ah uga codsaday inay soo gabagabeeyaan howlahooda si uusan dib u dhac ugu iman howsha looga baxayo xilliga meel ku gaarka ah.


Ra'iisul Wasaare Cabdiwali Gaas oo la hadlaya Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed. Sawirka Xafiiska RW


Booqashadan ayaa waxaa ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ku wehlinayay xubno ka tirsan golaha wasiirrada, waxaana hadalkiisu uu u badnaa in si dhaqso ah lagu helo liiska ergada ansixinta dastuurka.

Kulanka dhexmaray ra'iisul wasaaraha Soomaaliya iyo odayaasha dhaqanka ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo dib loo dhigay illaa toddobaadka dambe qorshe lagu doonayay in lagu soo bandhigo dastuurka cusub ee Soomaaliya.

Madxweynaha Soomaaliya, ayaa isaguna booqasho middan la mid ah ugu tagay toddobadkii hore odayaasha dhaqanka, isagoo ka dalbaday inay dedejiyaan sidii ay kusoo xuli lahaayeen ergada ansixinta dasturka Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya