3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 18, 2012
Kalluumeysata ka Jallaabta Xeebaha Gobolka Jubbada Hoose oo ka cabanaya shaqo la'aan soo food-saartay

Isniin, June 18, 2012 (HOL) — Kalluumeeysatada ka jalaabata xeebaha gobolka Jubada hoose ayaa ka canabeysa shaqo la'aan soo foodsaartay kadib markii la gudo galay xilliga Badxiranka oo gobollada Jubooyinka looga yaqaan "Xilliga Kuusiga".

Maxamed Yuusuf Camaari oo kamid ah kalluumeysatada ka jallaabata xeebaha gobolka Jubada Hoose ayaa sheegay in ay lasoo darastay shaqo la'aan, isagoona xusay in la gudo galay xilligii dabeylaha, islamarkaasina ay adagtahay in doomaha kalluumeysiga ay ku safraan badda.

"Dabeylo ayaa badda ka kacay, wayna adagtahay in doomaha kalluumeysiga ay shaqo tagaan, xilliyada dabeylahana waxaa hoos u dhaca kalluunka laga helo badda," ayuu Hadalkiisii ku daray.

Aalaaba marka la gaaro xilliyadan oo kale waxa istaaga dhaqdhaqaaqa kalluumeysatada ka jalaabata gobolka Jubada Hoose, waxaana jiro boqollaal qoys oo ku dhaqan Jaziiradaha gobolka Jubada Hoose kuwaasoo ay noloshoodu ku tiirsantahay wax soo saarka dhinaca badda ah.

Dhanka kale waxa ay shaqo la'aan baahsan soo foodsaartay kumanaan muruqmaal ah oo ka xamaalan jiray marsadda caalamiga ah ee magaalada Kismaayo, kadib markii ay istaageen doomihii ganacsi ee iman jiray magaalada Kismaayo, taasoo ka danbeeysay dabeylo xooggan oo xilliyadan oo kale ka kaca badweynta Hindiya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya













Click here
6/18/2012 12:29 PM EST
Isniin, June 18, 2012(HOL): Orodyahan Soomaaliyeed oo degan magaalada Nijmegen una orda dalka Holland ayaa ku guuleystey oradka 5000m ee dalka Holland oo lagu qabtey magaalada Amsterdam garoonkeeda Olympicsh Stadion taariikhdu marka aheyd 18 June 2012.

6/18/2012 8:35 AM EST
Isniin, June 18, 2012 (HOL) — Kulan looga hadlayay sidii haweenka Soomaaliyeed ay kaalintooda uga qaadan karaan siyaasadda iyo hoggaanka dalka ayaa wuxuu ka furmay maanta xerada Xalane oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Soomaaliya.

6/18/2012 8:24 AM EST
Isniin, June 18, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha DKMG ah ee Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali oo maanta kulan la yeeshay odayaasha-dhaqanka Soomaaliyeed ee ku shirsan Muqdisho ayaa wuxuu kaga dalbaday inay sida ugu dhaqsiyaha badan kusoo gudbiyaan liiska ergadii ansixinta dastuurka cusub ee Soomaaliya.

6/18/2012 7:54 AM EST
Isniin, June 18, 2012 (HOL) — Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan ayaa maanta magaalada Beledweyne ku qabtay baroordiiq loo dhigay sanad-guuradii sadaxaad ee kasoo wareegatay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee 18, June, sanadkii 2009 ka dhacay magaalada Beledweyne.

6/18/2012 7:26 AM EST
Isniin, June 18, 2012 (HOL) — Xisbiga xorriyadda iyo cadaaladda ee dalka Masar oo ay leeyihiin ururka Akhwaanul Muslimiin ayaa sheegay in hoggaamiyahooda uu guul ka gaaray doorashooyinkii madaxnimo ee labadii casho ee lasoo dhaafay ka dhacay dalkaas.

6/18/2012 4:24 AM EST
Isniin, June 18, 2012 (HOL) — Hoggaamiyaha ugu sarreeya Xarakada Al-shabaab, Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu-Zubeyr oo cajalad maqal ah oo uu soo saaray ku sheegay inay dagaallada wadayaan inta ay Soomaaliya ka hirgelinayaan dowlad Islaami ah.

6/18/2012 4:22 AM EST
Isniin, June 18, 2012 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen qaraxyo siyaabo kala duwan uga dhacay shalay gallinkii dambe iyo xalay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

6/18/2012 4:13 AM EST
Isniin, June 18, 2012 (HOL) — Waxaa uga curtay dalka Koonfurta Afrika dilalka loo geysanayo Soomaalida ku noo dalkaas iyadoo toddobaadkan oo keliya lagu dilay dalkaas 14-qof, waxaana la isku raacay in dadkaas laga tooganayay laba meelood oo kala ah wadnaha iyo madaxa oo ah meelaha ugu halista badan jirka aadanaha.