Axad, July 15, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa maanta ku dilay xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa laba wiil oo dhallinyaro ah, halka ay mid kalena ku dhaawacmeen.
Ma jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay dilka loo geystay labadan ruux ee dhallinyarada ah iyo dhaawaca mid kale, iyagoo kooxihii dilalka iyo dhaawaca geystay ay u suurogashay inay ka baxsadana halkii ay falka dilka ah ku geysteen.
"Laba nin oo wajiga qarsaday kuna hubeysan bastoolado ayaa dilka geystay, wayna baxsadeen... ma garanayno sababta ay u dileen dhallinyaradan," ayuu yiri wiil la dhashay mid ka mid ah labada wiil ee la toogtay.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in falalka noocan oo kale ah ay dhowr jeer ka dhaceen xaafadda Suuqa Xoolaha halkaasoo horraantii bishan ay ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM kala wareegeen Al-shabaab.
Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo isugu jira booliis iyo milateri ayaa goobta gaaray iyagoo billaabay inay baaritaanno sameeyaan, waxaana falkan uu kusoo beemayaa iyadoo shalay isla degmadaas qarax lagula beegsaday ciidammo ka tirsan kuwa dowladda.
Degmada Huriwaa oo cirifka waqooyi ee Muqdisho ku taalla ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal qorsheysan oo ay geystaan kooxo hubeysan oo wajiyada qarsaday, waxaana sidoo kale ka dhaca weerarro intooda badan lala beegsado saldhigga iyo guriga guddoomiyaha degmada Huriwaa.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Kooxo Bastoolado hubeysan oo Degmada Huriwaan ee Gobolka Banaadir ku dilay laba ruux mid kalena ku dhaawacay
More News
- Kooxda FC Juba oo ku guuleysatey koobkii Isbuuca Soomalida Seattle July 7 – July 14 2012
- Guddiga Doorashooyinka Somaliland iyo Golayaasha Sharci-dajinta oo ku kala aragti duwan habka ay Doorashooyinku u dhacayaan
- Dagaal khaasaare geystay oo Booliiska Itoobiya iyo dad Muslimiinta ah ku dhexmaray Magaalada Addis Ababa
- Kooxda Baarista Qaramada Midoobay oo ku eedeysay Madaxda ugu Sarreysa DKMG Soomaaliya inay lunsadeen Hanti Qaran
- Xarakada Al-shabaab oo guulo ka sheegatay Weerarro ay ku qaadday Ciidanka DKMG iyo kuwa Itoobiya iyo AMISOM
- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo booqday deegaanadda galbeedka Somaliland ee abaaruhu ka jiraan
- Iskahorimaad khasare geystay oo ka dhacay duleedka Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose