4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 15, 2012
Iskahorimaad khasare geystay oo ka dhacay duleedka Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose

Axad, July 15, 2012 (HOL) — Iska-horimaad xooggan oo u dhexeeya ciidamada dowladda KMG ah oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab ayaa maanta ka dhacay meel qiyaastii 5-km u jirta magaalada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.

Iska-horimaadkan ayaa yimid kaddib markii cutubyo ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab ay weerar xooggan ku qaadeen saldhig ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya ay ku lahaayeen duleedka Degmadaasi, waxaana labada dhinac dhexmaray dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

"Dagaal culus ayaa ka dhacay meel Magaalada u dhow, rasaasta ay labada dhinac isweeydaarsanayeenna waxaa laga maqlayay magaalada Afmadow," ayuu yiri Goobjooge lagu magacaabo Ibraahim Dhuuboow oo HOL u waramay isagoo ku sugan Afmadow.

Masuuliyiin katirsan dowladda KMG oo aan la xiriirnay ayay inoo suurogeliweysay in aan ka helno wax faahfaahin ah oo ku saabsan iska-horimaadka maanta ka dhacay duleedka Afmadow.

Sidoo kale, illaa hadda ma jiraan wax warar ah oo ku saabsan dagaalkaasi oo kasoo baxay dhanka Xarakada Al-shabaab oo tan iyo bishii Oktoobar ee sannadkii hore kula dagaalamaysay gobolkaas ciidamada Kenya.

Ilo madaxbannaan oo laga helayo Afmadow ayaa sheegaya in dagaalkii maanta uu sababay dhimashada sedex qof iyo dhaawaca laba kale oo dhinacyadii dagaalamayay ah.

Xaaladda magaalada Afmadow ayaa haatan ah mid dagan, waxaana goobihii uu iskahorimaadka ka dhacay weli ku sugan ciidamada huwanta ah ee dagaalka kula jira Al-shabaab.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya