Jimco, Jannaayo 13, 2012 (HOL) − Xukuumadda Uganda ayaa ugu baaqday dalalka kale ee Afrika inay ciidammo nabad ilaalin ah u diraan Soomaaliya, si loo xoojiyo howlgalka Midowga Afrika ee ka socda Muqdisho.
Wasiir u dowlaha wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, Lt. Jen. Jeje Odongo ayaa sheegay in loo baahan yahay ciidammo badan oo AMISOM ka mid noqda si ay xididdada ugu siibaan Xarakada Al-shabaab oo dowladda KMG ah dagaal kula jirta.
"Waxaan codsanaynaa in ciidammo badan oo lagu xoojiyo AMIOSM loo diro Soomaaliya si nabad loo helo," ayuu yiri Odongo, isagoo sheegay in ciidamada badan ay awood u yeelan karaan inay xajiyaan nabadda.
Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya oo ay tiradoodu gaarayso 10,000 oo askari oo ka kala socda dalalka Uganda, Burundi iyo Jabuuti, iyadoo sidoo kale ay dalabtay Kenya inay ka mid noqoto AMISOM, inkastoo aan weli codsigeedaas la aqbalin.
Taliyihii hore ee ciidamada AMISOM Maj. Jen. Nathan Mugisha oo isaguna ka hadlay kulankii lagu codsanayay ciidamada ayaa sheegay in howgalka AMISOM uu noqday mid guuleystay. Wuxuu intaas ku daray in haddii ciidamada la xoojiyo qalabna la siiyo waxay awood u yeelan karaan inay cagta mariyaan Al-shabaab.
Hadalka kasoo baxay dowladda Uganda ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo ururka Midowga Afrika uu ka dalbaday golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay in la meel-mariyo go'aan ku saabsan in ciidamada AMISOM la gaarsiiyo 17,000.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya