
Qaar ka mid ah madaxda Xawaaladaha ka hawlgala Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka
Jimco, Jannaayo 13, 2012 (HOL) − Xawaaladaha Soomaalida ee Gobolka Minnesota oo xirnaa mudo labo todobaad ah ayaa maanta si gaabis ah dib u bilaabay shaqadoodi, iyadoona dadka xarumaha imaanayey laga qabanayey lacago xadidan.
Bashiir Faarax Siyaad (Ugaas Bashiir) oo xubin ka ah ururka ay ku mideysanyihiin xawaaladaha ayaa HOL u sheegay in ay maanta bilaabeen xawaaladaha qaarkood qabashada lacago aan badnayn, isagoo intaasi raaciyey in aysan jirin wax iska badalay go’ankii uu qaatay bangigii horay shaqo joojinta ugu sameeyey, hase ahaatee ay howshooda ku bilaabeen bangiyo yaryar oo iyagu gudbin kara lacago xadidan.
“Waxaan adeegsan doonaa bangiyo yaryar oo aan sidaasi u sii weynayn,kuwaasi oo awoodi kara oo kaliya in ay diraan lacagaha yaryar ee biilasha ah, mana filayo in ay xamili-karaan baahida guud ee jirta,” ayuu yiri Ugaas Bashiir.
Xawaaladaha Soomaalida ee ka shaqeynayey Gobolka Minnesota oo ah meesha ay ku dhaqan yihiin Soomaalida ugu badan ee ku nool wadanka Mareykanka ayaa xirmay kadib markii bishii December ee la soo dhaafay uu Franklin bank oo ahaa bangigii ugu dambeeyey ee ay lacagaha ay ku gudbisan jiraan uu joojiyey la macaamilkooda, isagoo xiray guud ahaan xisaabadkii iyo koontooyinkii ay ku lahaayeen.
Wixii xiligaasi ka dambeeyey waxaa soconayey kulamo iyo dibad-baxyo ay dhigayeen bulshada Soomaalida ee ku dhaqan Minnesota, kuwaasi oo ay ku raadinayeen in ay helaan dariiq kale oo ay lacagaha biilasha ah ku gaarsiin karaan asxaabta iyo qaraabadooda ku nool gudaha wadanka iyo dibadiisa.
Saciid Faahiye, oo ah gudoomiyaha Jaalida Soomaalida ee gobolka Minnesota oo la hadlay HOL ayaa sheegay ay soo dhaweynayaan shaqo bilaabida xawaaladaha Soomaalida ismar ahaantaasina ay tahay mid rajoweyn galinaysa dad badan oo ka walaacsanaa halkii ay marin lahaayeen dhaqaalihii ay u diri jireen ehelkooda.
“Arintaan mudo ayey socotay oo dadka Soomaalida ahi ay dadaal iyo waqti badan ku bixiyeen, anagu aad ayaan u soo dhaweynaynaa maxaa yeelay waad dareemi kartaa xaaladda ay la kulmi karaan dad aan heli karin meel ay biilasha u mariyaan ehelkoodi oo baahan, run ahaantiina waataasi sababta rajada weyn nagu abuurtay,” ayuu yiri gudoomiyaha Jaalida Soomaalida ee Gobolka Minnesota Saciid Faahiye.
Cabdullaahi Cabdi, oo ka mid ahaa dadkii ugu horeyey ee maanta lacagaha ka dirsaday xawaaladaha markii la furay ayaa ku sifeeyey mid ka qeybqaadanaysa jiritaanka nolosha qoyskiisa oo ku sugan Soomaaliya, kuwaasi oo uu sheegay in ay ku tiirsanaayeen boqolal Dollar oo uu bil waliba xawaaladaha u marin jiray.
“Walaal aad ayaan ugu farxay markii maanta aan mar kale dib qaraabadaydi lacagtii biilka ahayd ugu diray, waana arin aad iyo aad noo saameysay, aniga qoyskaygu waxaa ay ku dhaqan yihiin Soomaaliya waxaana ay ku noolaayeen biilka aan xawaaladaha ugu diri jiray bilkasta,” ayuu yiri Cabdullaahi Cabdi oo ka mid ah bulshada Soomaalida ee ku dhaqan Minnesota.
Ma’cada ilaa inta ay markale sii-socon karto shaqada xawaaladaha ee gobolka, sababo ay ka mid yihiin bangiyadaan ay lacagaha ku gudbinayaan oo ah kuwo yar-yar marka loo eego bangiyadii horey ula shaqeyn jirey iyo waliba cabsidii kuwii hore ku qasabtay in ay xawaaladaha xiriirka u jaraan oo aan wali dhammaan.
Cumar Jamaal, oo ka mid ah ergada Soomaaliya ee u fadhiya UN-ka ayaa sheegaya in hadii aan xal laga gaarin arimahaan xili kasta la filan-karo in bangiyadaan yar yar iyaguna ay joojiyaan adeegyada iyo shaqada ay xawaaladaha la bilaabeen.
“Waa ay adag tahay in howshu sii socoto hadii aan tilaabooyin cadcad la qaadin sida, in bulshada Soomaalida ee qurbaha ay ka midoobaan arintaan oo aysan muujin mooqafka ay ka taagan yihiin iyo sida ay uga xun yihiin, sidoo kale dowladda KMG ah Soomaaliya iyana aysan soo faragalin,” ayuu yiri Cumar Jamaal.
Soomaalida ku dhaqan wadanka Mareykanka ayaa la tilmaamaa in ay sanadkasta dib ugu diraan gudaha dalkooda in ka badan 100 milyan oo Dollar-ka Mareykanka ah, waxaana markii ay xirmeen xawaaladaha Soomaalida ee Minnesota cabsi laga muujiyey nolosha dad badan oo ku tiirsana dhaqaalahaasi oo bil-waliba loo soo marin jiray xawaaladaha.
Maxamed Faarax Talyaani
[email protected]
Minneapolis,Minnesota