Dagaal dhimasho iyo dhaawac geystay oo oo ka dhacay degmada Dharkeyley ee Magaalada Muqdisho

Axad, May 08, 2011 (HOL) Ugu yaraan laba askari ayaa ku dhintay dagaal ku ciidammo kawada tirsan DKMG ah ee Soomaaliya maanta duhurkii ku dhexmaray degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir, iyadoo afar qof oo shacab ahna ay ku dhaawacmeen iskahorimaadka.

Dagaalkan oo ka dhacay xaafadda suuq Boocle ayaa ka dhashay markii ciidamo ka tirsan kuwa dagaalamay ay dhaceen mucaawino halka kuwa kalena ay isku dayeen inay ka dhiciyaan, waxaana askarta dhinatay ay ka tirsanaayeen labadii dhinac ee dagaalamay.

Goobjooge ku sugan xaafadda uu dagaalku ka dhacay ayaa u sheegay warbaahinta inuu arkay dhimashada laba askari iyo dhaawaca afar qof oo midkood uu qabay dhaawac halis ah.

"Israsaaseyntu waxay socotay 10-daqiiqo, waxayna u dhexeysay ciidamo dhac u geystay mucaawino iyo ciidamo ka celinayay, dagaalka kadibna xaaladu waxay kusoo laabatay caadi," ayuu yiri Cumar Cali oo ahaa goobjoogaha la hadlay warbaahinta.

Mas'uuliyiinta DKMG ah ee degmada Dharkeylney ayaan ka hadlin shaqaaqada maanta duhurkii ka dhacay degmadaas, iyadoo ciidamadii dhaca geystay laga itaal roonaaday, waxaana mucaawinadii loo qaybiyay dadkii loogu talogalay.

Dagaalkan ayaa qayb ka noqonaya dagaalo dhowr ah oo ciidamada dowladda ku dhexmaray degmooyinka ay ka taliso, iyadoo guddoomiyaha maxkamadda ciidamada iyo maamulka gobolka Banaadir ay sheegeen inay wax ka qabanayaan balse aysan jirin wax ay ka qabteen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya