Xarrakada Shabaabul Mujaahidiin oo si nabad ah kula wareegay deegaanka Buusaar ee gobolka Gedo

Axad, May 08, 2011 (HOL) Xoogagga Xarrakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay si nabadaglyo ah kula wareegay deegaanka Buusaar ee gobolka Gedo, kaddib markii ay deegaankaas isaga baxeen ciidammo taabacsan DKMG ah ee Soomaaliya iyo xoogaggii Ahlusunna Waljamaaca ee wehliyay.

Xaaladda deegaanka ayaa saakay daggan iyadoo wararka laga helayo ay sheegayaan in deegaanka ay si buuxda gacanta ugu hayaan dagaalyahannada Al-shabaab, ciidamadii DKMG ah iyo kuwii Ahlusunna ee ku sugnaana ay aadeen degmada Ceelwaaq.

Deegaankan oo u dhexeeya Garbahaarey iyo Baladxaawo ayaa laba toddobaad ka hor waxaa ka dhacay dagaallo khasaare xoogan geystay oo u dhexeeyay xoogagga Xarrakatul Shabaab iyo kuwa DKMG ah oo garabsanaya Ahlusunna Waljamaaca, dagaalkaas oo dhaliyay in dowladdu ay qabsato deegaankaas.

Sababta ay ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Ahlusunna uga baxeen Buusaar ayaa lagu sheegay inay tahay khilaaf soo dhexgalay, inkastoo saraakiisha DKMG ah ay ka gaabsadeen inay faahfaahiyaan sababtii ay uga baxeen deegaankaas.

La wareegidda deegaankan ee Xarrakatul Shabaab ayaa imaanaysa kaddib markii uu afhayeenka ciidamada ee Xarrakatul Shabaab Sheekh C/casiis Abuu-Muscab uu ka sheegay warbaahinta inaysan joojinayn dagaallada inta ay dib uga qabsanayaan degmooyinkii gobolka Gedo ee laga qabsaday.

Dowladda KMG ah iyo ururka Ahlusunna Waljamaaca ayaa kaga sugan gobolka Gedo shan degmo oo afar ka mid ah ay uga qabsadeen xoogagga Xarrakatul Shabaab dagaallo billowday bishii labaad ee sannadkan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya