Wariyeyaashii u shaqeynayay Idaacadda Shabelle oo dib u helay xorriyadooda kaddib afar maalmood oo xabsi ah

Arbaco, Maarso 30, 2011 (HOL) – Waxaa maanta dib xorriyadoodii u helay agaasimaha Radio Shabelle C/rashiid Cumar Qase iyo madaxa wararka Cabdi Maxamed Ismaaciil (Cabdi Cuud) kaddib afar maalmood oo ay u xirnaayeen DKMG ah, waxaana wariyeyaashaas oo saxaafadda la hadlay ay sheegeen inay caafimaad qabaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in labadan wariye la xiray Axaddii todobaadkan kaddib markii ay tageen xarunta nabadsugidda DKMG ah si su’aalo looga weydiiyo war ay baahisay idaacadda, kaasoo ay dowladdu ku sheegtay inuu ahaa been abuur.

“Xaaladdeenna caafimaad way wanaagsan tahay, waxaana dib u helnay xorriyadeennii kaddib afar maalmood oo aan u xirnayn dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri Cabdi Cuud oo saxaafadda u warramay markii lasoo daayay kaddib.

Madaxa wararka Radio Shabelle wuxuu sheegay inaanay jirin wax jirdil ah oo loo geystay intii ay ku jireen gacanta ciidamada dowladda, sidoo kalena si wanaagsan loola dhaqmay, ayna ku sugnaayeen afarta maalmood mid ka mid ah qolalka xarunta hay’adda nabadsugidda.

“Sababtii afarta maalmood aan u xirnayn waxay ahayd maxaad warkiinna ugu darteen erayga madaxweynaha oo ku hungoobay inuu booqdo aagagga dagaalka, innaguna waxaan sheegnay inaan caddeyn u haysanno warkaas,” ayuu yiri Cabdi Cuud oo la hadlay HOL maanta duhurkii.

Wariyeyaashan ayaan lasoo taagin wax maxkamad ah intii ay gacanta ugu jireen DKMG ah, iyadoo sidoo kalena madaxda dowladda aysan ka hadlin sii-daynta wariyeyaashii u xirnaa muddada afarta maalmood ahayd.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya