Kulanka oo uu guddoominayay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa si weyn looga dooday dowlad-goboleedyada kusoo badanaya dalka, iyadoo wasiirradii kulanka ka qaybgalay ay fikirado ka jeediyeen.
"Sida uu qabo axdiga KMG ah ee Soomaaliya waxay xukuumaddu dhiira-galinaysaa hirgelinta nidaamka federaalka, waxayse ka digaysaa in dalka Soomaaliya laga dhigo degmooyin yar-yar oo jufooyin u kala qo-qoban lana abuuro iska horkeen dadka walaalaha oo hadda nabadda kuwada nool," ayuu yiri wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka Soomaaliya Maxamuud Maxamed Boonow oo saxaafadda la hadlay shirkaas kaddib.
Dastuurka DKMG ah ayaa ku dhisan nidaamka federaalka ah, iyadoo xukuumaddu ay soo jeedisay inay aqoonsan tahay dhammaan maamul goboleeyada dhismay la go'aansan ku dhaqanka federaalka, balse ay ka digayso wax walba oo carqalad ku noqon kara.
"Dawlad goboleed waxaa noqon kara laba gobol iyo wixii ka badan, iyadoo la eegayo 18-ka ee ay Soomaaliya ka kooban tahay kuna yimid tilmaanta sharciga, jihaynta dawladda dhexe iyo rabitaanka dadka," ayuu yiri wasiirka dastuurka Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegay inaan la aqbali karin in wax ka yar laba gobol ay noqdaan maamul goboleed, waxaana go'aankan golaha wasiirrada uu imaanayaa iyadoo ay kusoo badanayaan dalka maamul goboleedyo looga dhawaaqayo deegaanno ka mid ah kuwa Soomaaliya.
Ugu dambeyn, bayaanka laga soo saaray kulanka ayaa lagu sheegay in xukuumaddu ay uga baaqayso dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay ka digtoonaadaan wax kasta oo midnimadooda iyo wada noolaanshahooda dhaawici kara.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya