Xoghayaha Maamulka Gobolka Banaadir ee DKMG oo hay'adaha gargaarka qaarkood ku tilmaamay jawaasiis

Sabti, June 25, 2011 (HOL) – Xoghayaha maamulka gobolka Banaadir ee DKMG ah C/kaafi Hilowle Cismaan ayaa qaar ka mid ah hay'adaha gargaarka ee Muqdisho ku sugan ku eedeeyay inay yihiin jawaasiis, isagoo sheegay inaysan wax gargaar ah siin shacabka Soomaaliyeed.

Hadalkan ayuu sheegay kaddib markii uu booqday qaar ka mid ah xeryaha dadaka soo barkacay ee ku yaalla degmooyinka ay dowladdu kaga sugan tahay Muqdisho, isagoo sheegay in hay'addii aan waxba qabanayn laga eryayo dalka.

"Hay'ad walba oo aan waxba qabanayn waxaa loo celinayaa halkii ay ka timid, waxaan arrintaas la kaashan doonnaa wasaaradda arrimaha gudaha DKMG, ra'iisul wasaaraha iyo madaxweynaha Soomaaliya," ayuu yiri C/kaafi Hilowle.

Xoghayuhu wuxuu sheegay in saddex hay'adood oo ay ka mid yihiin WFP, NRC ay muujiyeen waxqabad aan weynayn, isgaoo sheegay in hay'adaha kale ay yihiin kuwo u jooga dalka inay basaasaan dowladda KMG ah.

"Marar badan ayuu maamulka gobolka Banaadir ka hadlay in hay'adaha gargaarka aysan waxba siin dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan kuwaasoo magacooda kusoo qaataan lacago fara badan," ayuu xoghayuhu hadalkiisa raaciyay.

Dhanka kale, Xogyahuhu wuxuu soo dhaweynayay magacaabidda ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Dr. C/weli Maxamed Cali, isagoo ugu baaqay inuusan la tashan dad uu ku sheegay inaysan doonayn nabad ka dhalata Soomaaliya, balse uu la tashado dadka doonaya inay Soomaaliya nabad ka dhalato.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya