Sabti, June 25, 2011 (HOL) – Afhayeenka Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo safar ku maraya gobolka Bay ayaa ugu baaqay shacabka ku nool gobolkaas iyo gobolka ay dariska yihiin ee Bakool inay ka qayb-qaataan dagaallada ka socda Muqdisho iyo gobolka Gedo.
Sheekh Cali Dheere ayaa hadalladan ka sheegay kulan shalay tababar loogu soo xirayay odayaal-dhaqameedyada Baydhabo iyo saldhig ay ku tababaranayeen ciidammo ka tirsan Xarrakada Al-shabaab oo ku tallaa duleedka degmadaas.
"Dadka ku nool gobollada Bay iyo Bakool waxaa looga baahan yahay inay qayb ka qaataan dagaallada u dhexeeya ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo is-garabsanaya iyo xoogagga Xarrakatul shabaab," ayuu Sheekh Cali Dheere ka sheegay labada goobood ee uu ka hadlay.
Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in ciidamada DKMG ah ay ku jabeen dagaallo badan oo ay Xarrakada kula galeen gobollada dalka qaarkood iyo Muqdisho, isagoo tusaale u soo qaatay dagaallo ka dhacay Dhoobley oo ku taalla xadka ay wadaagaa Soomaaliya iyo Kenya, isagoo xusay in looga guuleysatay ciidamada DKMG ah iyo ciidamo Kenyan oo gacan siinayay.
Xarrakada Al-shabaab ayaa dagaallo culus kula jirta ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM, waxaana dagaalladaas ku dileen ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika, inkastoo iyagana looga qabsaday degmooyin iyo saldhigyo ciidan oo muhim u ahaa.
Sheekh Cali Dheere ayaa si gaar ah ugu baaqay ciidamada tababarka uu u socdo inay isku diyaariyaan ka qayb-qaadashada dagaallada socda, isagoo tababarka ay qaadanayaan ku sheegay mid ay ku difaacaan diinta Islaamka.
Dowladda KMG ah ayaa dhankeeda sheegtay inay ciidamo badan oo tababar loogu soo gabgabeeyay dalalka Kenya iyo Itoobiya ay diyaar u yihiin inay dagaal kula galaan gobollada Koonfurta Soomaaliya Xarrakatul Shabaab oo labadii sano ee ugu dambeeyay ka talinaysay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya