Madaxweyne Shariif oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiir ay Dowladda Itoobiya u soo magacawday Soomaaliya (SAWIRRO)


Jimco, 28 Janaayo, 2011 (HOL) – Safiir cusub oo ay dowladda Itoobiya  u soo magacowday Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, isagoo warqadihiisa aqoonsiga Safiirnimo ku wareejiyay madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kaddib kulan ka dhacay xarunta Madaxtooyada.

 “Maanta, waxaa Muqdisho soo gaaray safiirka cusub ee ay Dowladda Itoobiya u soo magacowday Soomaaliya C/casiis Axmed Aadan, wuxuuna isla maanta ku wareejiyay warqadihiisii aqoosiga madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed"sidaasi waxaa yiri xoghayaha joogtaa ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya C/salaam Xaaji Axmed Liibaan oo saxaafadda uga warbixiyay kulan dhexmaray Madaxweyne Shariif iyo safiirka cusub.

Xoghayuhu, wuxuu sheegay in safiiirkan cusub uu si rasmi ah maanta u noqday safiirka Itoobiya ee Soomaaliya, uuna ku shaqeyn doono Muqdisho, isagoo intaas ku daray in dhawaan laga soo badalay dalka Ivory Coast oo uu safiir uga ahaa dalka Itoobiya.


Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif, oo hadal kooban jeediyay kulanka kaddib ayaa sheegay in xaalka Soomaaliya wax iska bedelayo bacdamaa ay dowlado safaarado ka furanayaan, kuwana ay horay uga furteen, “Soomaaliya xilligan waxaa ka bilawday isbedel, taasna waxaa tuusaale u ah in waddamo fara badan ay hadda ka furteen safaarado, kuwa kalena ay daneeynayaan" ayuu yiri Madaxweyna Shariif.

Safiirkan ayaa noqonaya kii labaad oo ay dowladda Itoobiya ay u soo magacowdo Soomaaliya tan iyo markii ay burburtay xukuumaddii hore ee Soomaaliya sannadkii 1991-kii , iyadoo sanadkii 2007 xarunta saafaraddeedana ka furatay meel ku dhow madaxtooyada , xilligaasoo ay ciidamadeedu ku sugnaayeen Soomaaliya.

Dowladda  Federaalka Soomaaliya ayaa waxay horay ugu magacowday Itoobiya labo safiir oo kala ah Alle ha u naxariisto C/kariin Faarax Laqanyo oo lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Beledweyne iyo Siciid Yuusuf Nuur oo haatan Soomaaliya Safiir uga ah Itoobiya.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, C/casiis Axmed Aadan, safiirka cusub ee ay Dowladda Itoobiya u soo magacowday Soomaaliya ayaa xilligii uu socday shirkii Kenya ee ay ka soo baxday Dowladdan waxaa lagu xusuustaa dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo xooggan oo uu shirkaas ku lahaa, iyadoo ay xusid mudan tahay in shirkaas oo socday muddo labo sano ah ay awood ku lahaayeen Hoggaamiye Kooxeedyo Soomaali ah oo gacan-saar la lahaa Dowladda Itoobiya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya