Maamulka degmada Caabud-waaq oo ugu baaqay hay'addaha gargaarka in ay dadka kaalmeeyaan

Jimco, 28, January, 2011 (HOL)  Iyadoo wali qeybo ka mid ah goballka Galgaduud ay jiraan baaro saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada ku dhaqan deegaannada goballka ayeey maamulka goballkaasi waxaa ay baaq ku aadan abaarta u dirayaan hay'addaha samafalka ka howlgala qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Maamulka degmada Caabud-waaq ee Ahlu Sunna Waljameeca ayaa ugu baaqay hay'addaha samafalku in ay gargaar la soo gaaraan dadka ku dhibaateysan degmada, kuwaasoo sida uu maamulku sheegay qaarkood ka soo barakacay deegaanno ka mid ah dhulka ay Soomaalidu degto ee Itoobiya, kadib markii ay dadkaasi ka marteen dhamaan wixii duunyo ahaa oo ay dhaqanayeen.

'''Waxaa ugu baaqeynaa hay'addaha samafalka in ay wax ka qabtaan dhibaatada la soo darsitay dadka ay Abaaruhu saameeyeen, haddii kale waxaa leenahay guud ahaanba goballka isaga baxa ayuu yiri,'' gudoomiyaha degmada Caabud-waaq ee goballka Galgaduud.

Qoysaska barakacayaasha ah ayaa waxaa ay ku eedeeyeen ciidamada lagu magacaabo New Boolis in ay is hortaag ku sameeyeen raashin muwaacino ah oo loo siday dadka ay abaartu saameysay oo ku nool qeybo ka mid ah dulka ismaamulka Itoobiya, sidaa daraadeed ay soo maciinsadeen goballka Galgaduud si ay u helaan gargaar ku filan.

Hay'addaha Samafalka ayaa lagu eedeeynayaa in aysan waxba u qaban dadka ku dhaqan deegaannada uusan ka jirin maamulka Xarrrakada Mujaahidiinta Al-shabaab, iyaga oo dhinaca kalana sheega in Al-shabaab ay is hortaageen kaalmada loo fidin lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya