Sabti, Feberaayo 26, 2011 (HOL)-Ciidamada amniga degmada Gaalkacyo ayaa howlgallo ay ka fuliyeen waqooyiga degmada waxa ay ku soo qab-qabteen dad la sheegay in ay falal amaan daro ah ka gaysanayeen gudaha magaalada.
"Dadka la soo qab -qabtay waxaa ku socda baaritaano la xiriira danbiyada loo haysto "ayuu yiri taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug oo warbaahinta la hadlay.
Ciidamada howlgalka fuliyay ayaa la sheegay in ay isticmaalayeen qaar ka mid ah gaadiidka dagaalka, isla markaana waxa ay baaritaanada ka fulyeen waqooyiga degmada .
"Ma jirto caqabad aan la kulanay intii howlgalka uu socday ,balse waxaa jiray in dadka qaar la tuhmayo wali aan gacanta lagu soo dhigin "ayuu hadalkiisa ku daray Aadan Nuur Qaal.
Waxaa kaloo uu sheegay in dadka la soo qabtay qaar ka mid ah hadii danbiyada lagu waayo la sii dayn doono ,isagoo ku baaqay in shacabka ay la shaqeeyaan laamaha amniga.
Dhinaca kale waxaa maanta is casilay duqii degmada Gaalkacyo C/iraxmaan Maxamuud Xaaji Xassan oo warqadiisa istaqaalada u gudbiyay xildhibaanada golaha deegaanka.Warar kasoo baxaya is-casilaada ayaa ka danbaysay kaddib markii lagu eedeeyay in maamulka degmada uu wax badan ka qaban waayay falalka amaan daro ee hada la dareemay.
Ugu danbayntii waxaa xilkan sii hayn doona ku xigeenka duqa degmada, waxaana magaalada Gaalkacyo waqooyigeeda baryihii la soo dhaafay ka jiray falal amaan darro oo sababay in shacabka ay dhigaan dibad-baxyo ay uga soo horjeedaan.
Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya