
Sabti, 26 February 2011 (HOL)- Dadweynaha ku dhaqan bariga magaalada Hargeysa, ayaa ka biyo-diiday hadal ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, iyada oo ay wali jiraan guryo dambe oo la gubay.
Dadweyne tiro badan ayaa isugu-soo-baxay degmada Gacan-Libaax ee Hargeysa, kuwaas oo saluugay hadal ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo sheegay in Guryaha la gubay la buunbuuninayo oo ay ka sahlan yihiin sida la moodayo, isla markaana Guryaha la gubay ay yihiin Carshaan, taas oo ay dadweynuhu u arkeen mid meel-ka-dhac ku ah dadkii masiibadu gaadhay.
Tirada Guryaha la gubay ee magaalada Hargeysa ayaa isa-soo-tarayay labadii maalmood ee u dambeeyay oo ay xukuumaddu sheegtay in tallaabooyin ay qaadeen ay ku qab-qabteen dad loo tuhunsan yahay falalkan. Iyada oo ilaa laba guri oo la gubay ay ku biireen tiradii guryaha la gubay oo qiyaastii lagu sheegay 33 Guri, kuwaas oo toddobaad gudihii lagu gubay. Hase ahaatee, aanay cid wax ku noqotay jirin, marka laga reebo hantidii dhex taalay oo baaba’day.

Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.