
Arbaco, September 15, 2010 (HOL) − Mudaaharaadyo looga soo horjeedo hadal kasoo baxay baadari Mareykan ah oo sheegay inuu gubayo Kitaabka Qur'aanka ayaa maanta ka dhacay Muqdisho iyo gobollada ku hareereysan.
Mudaaharaadyadii ugu badnaa oo rag, dumar iyo caruur sitay Kitaabka Qu'aanka ay ka qaybgaleen ayaa ka dhacay Muqdisho, waxaana hadal ka jeediyay Afhayeenka Xarrakatul Shabaab Sheekh Cali Maxmauud Raage (Sheekh Cali Dheere).
"Hadalka kasoo baxay baadariga Mareykanka ah wuxuu caddeyn u yahay sida ay cadownimo ugu hayaan gaalada Kitaabka Alle, waxbana naga dhibi mayso warqado uu gubay, Qur'aanku wuxuu ku jiraa laabteenna," ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Afhayeenku, wuxuu sheegay in laga doonayo dadka muslimiinta ah inay dagaal la galaan gaalada si ay u difaacaan diintooda iyo Kitaabkooda, isagoo sheegay in dadkeenu ay ka qaybqaateen in kitaabka loo hanjabo, markii dugsiyada laga dhigay jiingado, iskuulladana lagu barto culuunta gaaladana laga dhigay darbiyo qurxoon.
"Qof walba oo muslim ah, waxaa laga doonayaa inuu naf u huro difaaca Kitaabka Alle, waxaana wanaagsan in la ogaado in qofka Muslimka ah la weydiin doono marka la gaaro aakhiro Kitaabka Alle," ayuu yiri Afhayeenka Al-shabaab.

Sidoo kale, Sheekh Cali Dheere, wuxuu sheegay in gaalada ku nool dalalka galbeedka ay isaga celiyaan muslimiinta, loona baahan yahay in weerarro lagu qaado iyadoo laga jawaabayo hadalka kasoo baxay baadariga Mareykanka ah.
Caruur yaryar oo ku hubeysan bastoolado sitana calanka Xarrakatul Shabaab ayaa joogay goobaha ay ka dhacayeen mudaaharaadyada, iyadoo haween careysan oo saxaafadda la hadlay ay sheegeen inay ka caroodeen hadalka baadariga u dhashay Mareykanka kasoo baxay.

Degmooyinka gobollada Shabeellada hoose iyo Shabeellada dhexe ayaa waxaa iyagna ka dhacay dibadbaxyo kuwaas la mid ahaa, iyadoo ay dadka halkaas kula hadleen mas'uuliyiinta maamulladaas.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya