Madaxweyne Sheekh Shariif oo hadal ka jeediyay baarlamaanka iyo mooshin loo qaybiyay xildhibaannada

Arbaco, September 15, 2010 (HOL) − Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta qudbad dhinacyo badan taabanayay ka jeediyay kulankii ay xildhibaannada baarlamaanku yeesheen, isagoo laalay dastuurka cusub.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka ahna ku simaha guddoomiyaha baarlamaanka C/weli Ibraahim Muuddeey oo kulanka maanta guddoominayay ayaa sheegay in xildhibaannada kulanka soo xaadiray ay ahaayeen 350-xubnood.

"Sababta aan halkaan u imid waxay ahayd inaan kala war qaadanno oo aan dadaal ugu galno inaan badbaadinno dalka,m aana gaarsiinno horumar dhinac walba ah," ayuu hadalkiisa ku billaabay madaxweyne Sheekh Shariif.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inaysan jirin wax khilaaf ah oo kala dhexeeya isaga iyo madaxda kale ee dalka, sida ra'iisul wasaaraha, guddoomiyaha baarlamaanka iyo gudoomiyaha maxkamadda sare ee dalka.

"Waxaa la sheegaa in madaxda dalka uu khilaaf u dhexeeyo, ma jirto cid is-haysata, waxaana cid walba laga doonayaa inay waajibkeeda fuliso, aniga waxaad i saarteen waajibaad kaasoo ah inaan soo magacaabo ra'iisul wasaare aan ku ilaaliyo howsha, haddii uu gudan waayana aan soo magacaabo ra'iisul wasaare kale" ayuu Sheekh Shariif u sheegay xildhibaannadii uu la hadlayay.

Sidoo kale,wuxuu sheegay in haddii uu wax qaban waayo ra'iisul wasaaraha ay waajib ku tahay inuu u soo sheego, balse haddii uu qariyo ay noqonayso inuu galay qiyaano qaran, uuna dalka burburinayo.

"Marka Soomaaliya buuq laga sheego beesha caalamku waxay sameyn jirtay dadaal badan, balse waxaa moodda in hadda la gaaray xilligii aan khilaafka dhexdeenna ah xallin lahayn, waxaan caalamka ka codsanaynaa inay fursad na-siiyaan ayna nagu caawiyaan oo keliya wixii aan uga baahanno si aan khilaafkeenna u xallino," ayuu yiri Madaxweyne Sheekh Shariif.

Qudbadda uu jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa noqonaysa tii ugu adkeyd ee uu jeediyo tan iyo markii loo doortay inuu madaxweyne ka noqdo Soomaaliya bilowgii sannadkii 2009, waxaana inteeda badan uu kaga hadlay howlaha dowladda.

Dastuurka oo qudbaddiisa uu kusoo hadal qaadayay ayuu ku sheegay inuu yahay mid aan loo marin wadadii saxda ahayd qoraalkiisa, sidoo kalena xubnaha qoray ay yihiin kuwo aan haysan kalsoonida baarlamaanka, laguna magacaabin wareegto madaxweyne.

"Habka loo diyaarinayo dastuurka ma ahan mid sharciga waafaqsan, waxaase laga yaabaa in dad badan ay qabaan in madaxweynuhu uu diiddan yahay, anigu ma diidani, waxaase i saaran waajib ah in haddii uu ka leexday dariiqiisii aan tilmaan ka bixiyo habka loo marayo diyaarintiisa," ayuu yiri Sheekh Shariif.

Ugu dambeyn Madaxweynuhu wuxuu ku tilmaamay dastuurka mid aan sharci ahayn oo aanay ku jirin danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxaana uu u muuqday mid laalay dastuurkan qabyo-qoraalka ah ee ay soo bandhigay xukuumadda Soomaaliya.

Xildhibaannada baarlamaanka ayaa loo qaybiyay mooshinka ka dhanka dowaldda, iyadoo shir guddoomiyaha Mudane C/weli Ibraahim uu sheegay in ra'iisul wasaaruhu uu soo gaarsiiyay inuu horimaanayo baarlamaanka maalinta berri ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya