SHEEKH XASAN DAAHIR AWEYS: "Ganacsatada Soomaaliyeed waa inay soo rartaan maraakiibta ku jirta caymiska, si ganacsigooda ugu badbaado"

Isniin, May 24, 2010 (HOL) − Guddoomiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed laga doonayo inay shixnadahooda ganacsi kusoo rargtaan Maraakiibta caymiska ku jira.

Sheekh Xasan Daahir ayaa sheegay inuu tacsi u dirayo ganacsatadii uu u rarnaa Markab ganacsi ee ku dagay xeebaha dalka Soomaaliya, kaasoo kusoo jeeday Magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in khasaaradaas ay tahay mid aad u weyn.

"Ganacsatadii lahayd alaabooyinka Markabka dagay Waxaan uga tacsiyeynayaa dhibaatadii ku dhacday, waayo Adduunku marna waa qaraar marna waa macaan, waana inay ka digtoonaadaan inay soo rartaan Maraakiibta aan caymiska ku jirin" ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir.

Hoggaamiyaha Ururka Xisbul Islaam inay ugu baaqayaan in ganacsatada intii ay doorbidi lahaayeen lacagta yar ee ay kusoo raranayaan Maraakiibta duqowday ay soo rartaan Maraakiibta caymiska ku jira si u helaan caymis dhaqaaale.

"Waxaa la yiri Bakhiilku laba jeer buu qasaaraa, waana uga digayaa gancasatada inay Raqiiska raacaan ayna ku Khasaaraan" ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir, isagoo sheegay inay u rajeynayaan ganacsatadii khasaaray badal ka wanaagsan wixii ka lumay.

Markabkan dagay ayaa la sheegay inuu waday ganacsi ay ku jireen baabuur uuna kasoo kicitimay dalka Imaaraadka Carabta, mana jirto tafaasiil dheeraad ah laga hayo shaqaalihii Markabkaas la socday.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya