Isniin, May 24, 2010 (HOL) - Ururka Xisbul Islaam iyo Xarrakatul Shabaab oo ah Islaamiyiinta dagaalka kula jira Dowaldda Soomaaliya ayaa ka joojiyay deegaannada ay maamulaan Isticmaalka Tuxbaxa lagu wardiyo.
Kooxahan Islaamiyiinta ah ayaa uga digay Shacabka daggan deegaannadooda inay Isticmaalaan Tusbaxa oo ay Shacabka Rag iyo Dumar ku wardiyaan xilliyada ay gutaan Salaadaha Waajibka ah.
"Dadka ku nool deegaannada ay maamulaan Xisbul Islaam iyo Xarrakatul Shabaab waa loo diiday inay isticmaalaan Tuxbaxa, qofkii lagu arko waa la karbaashayaa" ayuu yiri mid ka mid ah dadka daggan deegaannada ay Islaamiyiintu maamulaan oo la hadlay wakaaladaha wararka.
Suuqa Bakaaraha oo ka mid ah goobaha ay ku xooggan yihiin kooxaha ka horjeeda Dowladda Soomaaliya ayaa laga joojiyay isticmaalka tusbaxa, waxaana sidoo kale dadku ay sheegeen in laga joojiyay isticmaalka fasaleetiga dhididka la isaga tiro.
"Waa inaad tusbaxa iyo fasaleetiga qarsataa markaad ka gudbayso goobaha ay Dowladdu maamusho, qof walba wuu u dabacsan yahay amarrada kasoo baxa Kooxaha dowladda ka horjeeda" ayuu yiri ruux kale oo magaciisa qariyay.
Mas'uuliyiinta Xarrakatul Shabaab ayaa horay u sheegin in Tusbaxa aan laga Isticmaali karin goobaha ay gacanta ku hayaan, waxaana Gobollada ay gacanta ku hayaan ay kusoo rogeen ku dhqanka sharciga Islaamka.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin iyo Ururka Xisbul Islaam oo ka mamnuucay deegaannada ay gacanta ku hayaan Isticmaalka Tusbaxa
More News
- Isku shaandheyn lagu sameeyay Galinkii dambe maanta Maamulka Islaamiga ah ee Degmada kismaayo
- Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa sheegay in cadaadis lagu saaray in la sii daayo dadka u xidhan falalka Argagixiso ee ku jira Xabsiyada dalka.
- SHEEKH XASAN DAAHIR AWEYS: "Ganacsatada Soomaaliyeed waa inay soo rartaan maraakiibta ku jirta caymiska, si ganacsigooda ugu badbaado"
- Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo sheegtay inay dagaal weyn ku qaadi doonaan ciidamada AMISOM iyo Madaxtooyada Soomaaliya
- Culummaa'uddiinka Ahlusunna Waljacaama oo sheegay inay xoojin doonaan dagaalka ay kula jiraan Xoogagga Dowladda Soomaaliya kasoo horjeeda
- Qoysaskii ku harsanaa Degmooyinka Magaalada Muqdisho oo bilaabay inay guryahooda isaga barakacaan, kaddib dagaallo xooggan oo ka dhacay
- Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Wasiirka Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya oo ka warbixiyay shirkii Turkey
- Qoys ka koobnaa Hooyo iyo Afar Caruur ah oo ay dhashay oo degmada Buula-burte ugu geeriyooday Biyo sumeysan oo ay cabeen.