Axad, 16, May, 2010 (HOL) Qof rayid ahaa ku dhintay gaari Safar ahaa ku soo jeeday Magaalada Beledweyne kadib markii kooxo hubeysan ku rasaaseeyeen duleedka Beledweyne sida ay HOL u xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadkii la socday gaariga oo markii danbe soo gaaray Magaalada gudaha Magaalada Beledweyne.
Gaarigan oo ahaa kuwa Xamuulka qaada oo ka soo baxay deegaanno hoos taga Maamulka Puntland ayaa waxaa uu badeecooyin kala duwan u siday Magaalada Beledweyne, waxaana si kadis ah gaariga xili uu maryay meel aan ka fogeyn deegaannka Kala-beyr rasaas huwiyay kooxo hubeysan oo markii danbe ka cararay goobta ay ku rasaaseeyeen gaariga.
Labo maalmood uun ka hor ayeey aheyd markii sidan oo kale kooxo hubeysan duleedka Magaalada Beledweyne ku dileen qof rayid ah oo la socday Gaariga kuwa rakaabka ah oo ka anba baxay Magaalada Beledweyne kuna sii jeeday Goballada Bartamaha Soomaaliya, kadib markii rasaas aan loo meel dayin ku rideen gaariga.
Ciidamo ka tirsan Ururka Xisbul Islaam oo howlgal ka sameeyay nawaaxiga deegaannka Kala-beyr waxaa ay ku dilleen maalin ka hor Nin dhalinyarro ah oo sida ay ku sheegeen ka tirsanaa kooxo halkaa Isbaarro u tiilay, waxaana Saraakiil ka tirsan Ururka Xisbul Islaam sheegeen in wadada amaankeedu sugan tahay gadiidkuna ku mari karaan si Nabadgalyo ah.
Wadad dheer ee dhamarta Goballka Hiiraan iskuna xirta Goballada Koofureed iyo kuwa Waqooyi ee dalka Soomaaliya ayaa waxaa la oran karaa waa wadada ugu socda badan gadiidka rakaabka ah marka loo eego Goballada kale ee dalka Soomaaliya, taasoo keeni karta in ay u soo qaraab tagaan kooxo hubeysan oo mar marka qaar lagala kulmo dhibaatooyin isugu jirra Dil, Dhaawac, iyo waliba dhac loo geysto dadka la socda gadiidka ku safraya wadada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
BeledWeyne, Soomaaliya