Axad, May 16, 2010 (HOL) - Wafdigaan oo ka koobnaa xubnaha ugu sarsareeyo ee Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin oo uu horkacayay Sheekh Cail Max’uud Raage ayaa xalay saqdii dhexe waxa ay soo gaareen Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka J/hoose.
Wafdigan oo kasoo kicitimay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Wadanka Soomaaliya islamarkaasina booqasho ku soo marayay Gobollo badan oo katirsan Koonfurta Wadanka Soomaaliya ayaa xalay saqdii dhexe soo gaaray Magaalada Kismaayo, waxaana wafdigu ay sheegeen in ay booqashooda ay ugu gun leeyihiin in ay ogaadaan waxqabadka iyo weliba howlaha shaqo ee Maamulka Islaamiga ah ee Gobollada Jubooyinka.
Afhayeenka Xarakatu shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Max’uud raage oo isagu horkacayay wafdiga ayaa saaka saxaafadda u sheegay in ujeedada imaatainka wafdigu ay tahay in ay u kuurgalaan howlaha shaqo ee wilaayada islaamiga ah ee Gobollada Jubooyinka.
Wafdigan ayaa la filayaa in ay booqdaan goobo badan oo muhiim ah oo ay kamid yihiin Dakadda caalamiga ah ee Magaalada Kismaayo, Airportka iyo weliba goobo kale oo badan oo ku yaal Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka J/hoose.
Ma ahan markii ugu horeeysay ee wafdi kasocdo masuuliyiinta ugu sareeyso ee Xaratu Shabaabul Mujaahidin ay soo gaaraan Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka J/hoose, haseyeeshee hore ayaa Magaalada Kismaayo waxa u yimid masuuliyiin sarsare oo katirsan Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin oo ay ka mid ahaayeen Sheekh Muktaar Roobow Abuu Mansuur, Sheekh Fu’aad Max’ed Khalaf iyo Masuuliyiin kala oo badan.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya