Arbaco, Mar 03, 2010 (HOL) Burcadbadeed Soomaali ah ayaa afduub ku qabsaday Isniintii Markab nooca shidaalka qaada ah oo laga leeyahay dalka Saudi Arabia iyo 14-shaqaale ah oo la socday, kaasoo aan wadin wax xamuul ah.
Markab ayaa la sheegay in kooxaha burcadda ah ay ku weerareen gacanka Cadan, waxaana inay qabsadeen xaqiijiyay Mas'uliyiinta Maraakiibta dagaala ee Atlanta oo biyaha Soomaaliya u jooga la dagaalanka Burcadbadeedda.
"Waxaa markabkan oo lagu magacaabo MT Nisir Al-Saudi la afduubay Isniintii, balse maanta ayaan helnay xogta rasmiga ah, wuxuuna ka yimid dalka Jabaan isagoo kusii jeeday dalkiisa" ayuu yiri Andrew Mwangura.
Shaqaalaha la socda markabkan ayaa 13 ka mid ah waxay u dhasheen dalka Sirilaanka, halka qofka kalena uu u dhashay dalka Giriigga, iyadoo aan la ogeyn halka ay kooxaha burcadbadeeda ah u kaxeysteen markabka.
Waa markii labaad oo laga afduubo dalka Sucuudiga Markab shidaalka qaada, iyadoo markabkii hore oo ahaa kii adduunka ugu weynaa lagu sii daayay lacag madaxfurasho ah oo ka badan 3-Milyan oo Dollar.
Afduubka markabkan ayaa imaanaya iyadoo la sii daayay Markab laga leeyahay dalka Giriigga oo afduub ahaan loo qabsaday bishii December ee sannadkii hore, kaddib markii laga qaatay lacag madaxfurasho ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya