Talaado, Feb, 3, 2010 (HOL) Maamulka Culma'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ee gacanta ku haya Goballka Galgaduud ayaa markii ugu horeesay waxaa amar ku siiyeen Suxufiyiinta ka howl-gasha Goballka in ay isa soo diiwaan galiyaan.
Afhayeenka Maamulka Culimada Ahlu Sunna Waljameeca Shiikh C/llaahi C/raxmaan Abuu Yuusuf Al-qaadi ayaa sheeca ka qaaday in laga doonayo Wariyayaasha ka howl-gala Goballka Galgaduud in ay isu soo diiwaan galiyaan mudo Sadax Cisho, simarkaa ayuu yiri loola socdo howlaha Saxaafada ee ka jirra Goballka islamarkaana xiriir joogta ah u yeeshaan Wariyayaasha iyo Maamulka ka jirra Goballka Galgaduud.
Waxaana uu intaa ku daray Afhayeenku in talaabo laga qaadi doono Wariyihiin ka dib dhaca Waqtiga loo qabtay in la isa soo diiwaan galiyo, kaa oo marka dhinca laga eego ah waqti aad u kooban islamarkaana ay adag tahay in lagu diiwaan galiyo dhamaan Suxufiyiinta ka shaqeysa Goballka Galgaduud.
Wariye jooga Degmada Caabud-waaq ee Goballka Galgaduud ayaa u sheegay HOL in u jeetada ka danbeysa amarka soo baxay Maamulka Ahlu Sunna tahay sidii loola la socon lahaa dhaq dhaqaaqa Suxufiyiinta iyo wararka ka baxaya Goballka ee ku aadan Siyaasada Maamulka Ahlu Sunna Waljameeca.
Lama oga Maamulku sida uu ka yeeli doono haddii aysan Wariyayaashu isku soo diiwaan galin waqtiga kooban ee loo qabtay marka laga reebo in talaabada uu Afhayeenku sheegay in uu ka qaadayo Suxufigii ka dib dhaca waqtiga sadaxda Cisho ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Maamulka Ahlu Sunna Waljameeca oo ku wargaliyay Suxufiyiinta ka howlgasha Goballka Galgaduud in ay isa soo diiwaangaliyaan
More News
- Siyaabo kala duwan oo looga hadlay amarkii ay Xarrakatul Shabaab kaga mamnuucday Hay'adda WFP in ay ka shaqeyso Soomaaliya
- Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in maamul goboleedyada dalka ka jira aysan heshiisyo la geli karin shirkadaha shidaalka qoda
- Burcadbadeed Soomaaliyeed oo weerar ku qabsaday Markab nooca shidaalka qaado ah oo laga leeyahay dalka Sucuudi Carabiya
- Qaar ka mid ah Siyaasiinta Puntland oo ka soo horjeestay isku shaan-deyn uu Madaxweyne Faroole ku sameeyay Golahiisa Wasiirrada
- Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif oo todobaadka soo socda ku tagi doona dalka Ingiriiska booqasho rasmi ah
- Faah faahin dheeraad ah oo ka soo baxaysa khasaaraha dagaallo illaa xalay ka dhacayay Magaalada Muqdisho iyo guulo laga kala sheegtay
- Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka oo maanta dhageysanaysa dacwad ka dhan ah Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Soomaaliya
- Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo sheegay in Dowladdu ay ogoshahay inay wada hadal la gasho kooxaha ka soo horjeeda