Dalka Soomaaliya oo Kaalinta 1-aad ka galay daraasad lagu sameeyya dalalka guuldareystay ee Caalamka

Isniin, June 21, 2010 HOL) - Dalka Soomaaliya ayaa kaalinta hore ka galay warbixin looga hadlayay dalalka guuldareystay ee Caalamka, iyadoo warbixinta lagu sheegay in Soomaaliya ay sannadkii labaad gashay kaalinta koowaad ee dalalka burburay.

Warbixintan oo lagu eego xaaladaha dalalka caalamka ayaa waxaa soo saaristeeda iska kaashada sannad walba Wargeys lagu magacaabo Form Policy iyo Hay'adda Fund for Peace, iyagoo si kooban looga hadlo dalalka guuldarreystay iyo kuwa laga badin qabo inay burburaan.

Dalka Soomaaliya ayaa la sheegay inuu ka burburay dhinacyada Nabadgalyada, Dhaqaalaha iyo Xuquuqda Aadanaha iyadoo sidoo kalena lagu sheegay warbixinta in dad badan ay ku barakadeen dagaallada ka socda.

Soomaaliya waxaa ku xiga dalal ay ka mid yihiin: Jaad, Suudaan, DR Congo, Zimbabwe, Afgaanistaan, Ciraaq iyo Kuwo kale, iyadoo la sheegay in dalalkaas ay waxyar ka roonyihiin Soomaalalia

Dalka Kenya oo kaalinta 14-aad kaga jira warbixintan lasoo saaray ayaa sla sheegay in laga baqdin qabo inuu burburo, iyadoo sidoo kalena dalka Itoobiya uu warbixinta ka galay kaalinta 16-aad.

Waddanka Jabuuti oo ka mid ah dalalka dariska la ah Soomaaliya ayaa kaga jira warbixinta kaalinta 75-aad, isagoo aan ku jirin dalalka laga baqdin qabo inay burburaan, halka dalka Yemen oo xuduud badeed la leh Soomaaliya uu kaalinta 19-aad ka galay wabixinta.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya