
Isniin, June 21, 2010(HOL): Sara u kacaan ayaa waxaa sababay ka gadaal markii ay bilaabmeen dhoofitaanka xoolaha nool ee laga kaxeynayo gobollada jubooyinka si loogu iibgeeyo Magaalada Gaarisa ee Waqooyi bari Kenya.
Ibraahim Gaab oo ka Mid ah ganacsatada suuqa xoolaha ee magaalada kismaayo ayaa HOL u sheegay in mudooyinkan danbe xoolaha nool siweyn loogu dhoofiyo wadanka Kenya gaar ahaanna waxa uu sheegay in lo’da aad loo dhoofiyo taasoo sababtay buu yiri in qiimihii xoolaha uu sare u kaco.
Xoola dhaqatada gobollada jubooyinka ayaa mudooyinkii hore waxa ay xoolaha u iibgeyn jireen magaalooyinka waaweyn ee dalka soomaaliya gaar ahaanna magaalada kismaayo balse waxa hada yaraaday xoolihii loo soo safrin jiray magaalada Kismaayo madama uu furmay ganacsiga xoolaha loo dhoofinayo wadanka Kenya.
Sikastaba ha ahaatee ma ahan markii ugu horeeysay ee uu sare u kac ku yimaado qiimaha lakala siisto xoolaha Nool ee suuqyada Magaalada Kismaayo haseyeeshee shacabka ku dhaqan magaalada kismaayo ayaa ku tilmaamay in sare u akaca xoolaha ay horseedi karto in uu cirka isku shareero qiimaha lakala siisto Hilibka quutul duruuriga u ah bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya