Khamiis, 22 July 2010 (HOL)- Maxkamad ku taala dalka Maraykanka ayaa Nin ka soo jeeda Gobolka Virginia ee dalkaas ku xukuntay eedayn loo haystay oo ah in uu dhaqaale ku taageero Xarakatul Shabaabul-Mujaahidiin, isla markaana laba jeer isku dayay in uu u socdaalo dalka Soomaaliya, si uu ugu biiro Al-Shabaab.
Zachary Adam Chesser oo da’diisu tahay 20-jir, kana soo jeeda Gobolka Virginia ee Maraykanka, ayaa waaxda Caddaaladda Maraykanku ay sheegtay in lagu helay oo ay Arbacadii ku caddaatay eedayn ahayd in uu taageero agab iyo dhaqaaleba isugu jirta siiyo Xarakatul Shabaabul-Mujaahidiin. Maxkamaddu waxa kale oo ay sheegtay in Chesser uu laba jeer isku dayay in uu ka socdaalo dalka Maraykanka oo uu tago
Soomaaliya, kuna biiro Al-Shabaab. Warku wuxuu intaa ku daray in Ninkan ay Hay’adda Sirdoonka ee FBI waraysi ka qaaday bishii May 2009, isla markaana ilaa muddadaa ay daba-gal ku hayeen.
Ninkan ayaa hore loo qabtay 10-bisha July mar uu isku dayay in isaga oo uu wehelinayo Wiil uu dhalay ay Diyaarad u raacaan dalka Uganda, markaas oo lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha JFK ee New York. “Kiiskani wuxuu shaaca ka qaadayaa jiritaanka xag-jirnimada ee in ay ka dhici karto meel kasta oo ay ka mid tahay Waqooyiga Virginia.” Sidaa waxa yiri Xeer-Ilaaliyaha Maraykanka Neil MacBride.
Mar uu Xeer-Ilaaliyuhu ka hadlayay Ninkan la qabtay iyo eedaynta loo haysto ee la sheegay in lagu helo, ayaa wuxuu yiri, “Ninkan da’da yari wuxuu ku eedaysan yahay in uu doonayay in uu ku biiro Al-Shabaab oo xidhiidh la leh Al-Qaacida. Eedaymahaasi waxay hoosta ka xarriiqaysaa sida loogu baahan yahay in laga hortego argagixisada ku soo badanaysa dalka.”
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland.
Maxkamad ku taala Maraykanka oo xukuntay nin lagu eedeeyay in uu taageero Al-Shabaab
More News
- Ciyaarihii Sweden ee Kubadda Koleyga oo la soo gabagabeeyay (DAAWO SAWIRRO)
- Wakiilka Zone 4 ee Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo bogaadiyay qaabkii ay u dhacday Doorashadii Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta
- Dagaal Khasaare sababay oo Magaalada Muqdisho ku dhexmaray Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin iyo Culumaa'uddiinka Ahlusunna Waljamaac
- Dagaal Ciidamada Dowladda iyo Xarrakada Al-shabaab ku dhexmaray waqooyiga magaalada Beledweyne.
- Xiriiriyaha arimaha bani'adanimada u qaabilsan QM oo ka deyriyay xaalada dalka Soomaaliya.
- Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif oo tagay dalka Jaad is uu uga qaybgalo shirka dalalka SIIN iyo SAAD oo ka dhacaya dalkaas
- Midowga Africa oo waqti kordhin u sameynayo ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho
- Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya oo beeniyay inuu isku dhiibay Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin
- Ra'iisul wasaaraha Soomaliya oo maanta ka qaybgalya xaflad tababar loogu soo xiray ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya
- Ciidamada Puntland Oo Sii Kordhiyay Musaafurinta Reer Kuunfreedka ,Iyo Hub Maanta Laga aruurinayay Bakhaarada Bosaaso
- Dawladda Itoobiya oo Xabsiga ka sii daysay xubno ka tiran Jabhadda ONLF ee dagaalka kula jirtay
- Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay cunto-yaraanta ka jirta Soomaaliya iyo xaaladda shacabka