Axad, 19 December, 2010 (HOL) − Maamulka islaamiga ah ee gobolka gedo ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin talaabada uu ururkii xizbul islaam ee ka dhisnaa degmada luuq ula midoobay xarakada Shabaabul Mujaahidiin, waxaana ay ku tilmaameen in ay tahay talaabo horumar leh.
Gudoomiyaha gobolka Gedo ee xarakada Alshabaab Sheekh Bishaar Cali Aadan ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin islamarkaasina ay soo dhaweynayaan talaabada uu ururka xizbul islaam ee gobolka Gedo ugu biiray maamulkooda, waxaana uu sheegay in ay tahay arin siweyn loogu farxo in awoodii mujaahidiinta ee gobolka Gedo ay maanta si rasmi ah u midoowday.
"Waxaan ugu baaqeynaa maamullada kale ee ururka Xizbul islaam in ay ka shaqeeyaan sidii ay u mideyn lahaayeen awooda mujaahidiinta, waxaana midowga mujaahidiinta ay dhabar jab ku tahay gaalada iyo gaala raacyada ku sugan wadanka," ayuu yiri Sheekh bishaar oo baaq u dirayay ururka Xizbul Islaam.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya