Axad, 19 December, 2010 (HOL) Maalmintii shalay galinkii dambe ayaa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa gaari lagu soo xiray cod baahiye dadka loogu sheegay in la jooojiyay ka ganacsiga iyo isticmaalka Sigaarka iyo Tubaakada.
Maamulka Xarrakada Al-shabaab ee magaalada Beleweyne ayaa marka ka soo baxay ku saleeyay in la gaaray waqtigii loo qabtay ganacasatadu in ay ku soo afjaraan ka ganacsiga Sigaarka iyo Tubakada sidaa daraadeed cidii lagu arko la horkeeni doono shareecada Islaam-ka.
Talaabada ay qaadeen maamulka Xarrakada Al-shabaab ee magaalada Beledweyne ayaa waxaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay dadka ku dhaqan magaalada oo qaarkood kuu sheegaya in mar hore loo baahnaa in la joojiyo Sigaarka oo ah maandooriye dadku dhibaato gaar ah ku qabay, halka qaar kalana leeyihiin kaliya waxaa habooneed in lagu cabo goobaha dadku ku badan yahay laakiin aan ganacsi ahaa loo mamnuucin.
Sikastaba ha ahaatee amarka ka soo baxay maamulka Xarrakada Al-shabaab ee magaalada Beledweyne ayaan saameyn ku yeelan qaadka oo si toos ah loo keeno goballka, walow maamulku horay u sheegay in qaadka lagu iibo meel magaalada ka baxsan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya
Maamulka Xarrakada Al-shabaab oo Beledweyne ka mamnuucay ka ganacsiga iyo isticmaalka Sigaarka
More News
- Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo HOL uga warramay Nin Jarmal ah oo falal dhaqan-xumo ah geystay
- Xisbul Islaam oo ku biiray Xarrakada Al-Shabaab
- CIYAARAHA GOBOLLADA:Hiiraan Vs Sh/Hoose iyo Banaadir Vs Sool
- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Saraakiil la socota oo maanta booqday Naafada Isbitaalka Martiini
- Culummaa’uddiinka Ahlusunna oo in ku dhow 200-dhalilnyaro ah Siminnaar uga furay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)
- Maamulka Gedo oo Soo dhaweeyay Talaabada uu Ururka Xizbul Islaam ugu Biiray Xarakada Al-shabaab
- Hoggaamiyaha dalka Eritrea oo baqdin ka qaba in dowladda Mareykanku ay ku disho duqeyn dhinaca cirka ah
- Madaxweynaha dalka Jabuuti oo codsaday in shacabka Soomaaliyeed laga daayo xabbada, lana heshiiyo
- Maamulkii Ururka Xisbul Islaam ee gobolka Gedo oo ku dhawaaqay inuu la midoobay Xarrakatul Shabaab
- Warbixin ku saabsan howlaha horyaalla Ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo