5/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 27, 2009
Howlgalo uu ururka Xisbul Islaam ka sameeyay inta u dhexeysa Wanlaweyn iyo Buurhakaba oo lagu qabqabtay Burcad tiro badan

Axad, December 27, 2009(HOL): Mas'uul ka tirsan Ururka Xisbul Islaam ayaa u sheegay warbaahinta inay kusoo qabqabteen 70-burcad ah howlgallo lagu sugayay ammaanka oo ay ka sameeyeen ciidamadooda inta u dhexeysa Degmooyinka Wanlaweyn iyo Buurhakaba oo kala ka tirsan Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Bay.

Max'ed Faarax Indho-buur oo ka mid ah saraakiisha Xisbul Islaam oo ku sugan Shabeellada hoose ayaa saxaafadda u sheegay in howlgalladan oo qaatay 24-saac ay kusoo qabqabteen tiradan burcadda ah, kuwaasoo ku xiran xabsi ku yaalla degmada Buur-hakaba.

"Burcadda aan gacanta kusoo dhignay waxay dhibaatooyin kala duwan u geysan jireen dadka deegaannada u dhexeeya labada gobol iyo gaadiidka waddadaas mara, waxaana la horkeeni doonaa sharciga" ayuu yiri Max'ed Indho-buur.

Sarkaalka u hadlay Xisbul Islaam wuxuu intaas ku daray in kooxaha burcadda ah ay ku hayaan hubkii ay dhibaatooyinka ku geysan jireen, ayna marqaati u noqon doonaan dambigii ay ku jireen oo ahaa inay dhac geysanayeen.

Wadayaasha gaadiidka ka shaqeeya inta u dhexeysa Muqdisho iyo Baydhabo ayaa dhawaanahan ka cabanaya kooxo burcad ah oo si lama filaan ah ugu soo booda inta ay ku jiraan safarkooda, kuwaasoo dadka baarta kana qaata wax walba oo ay wataan.

Tallaabadan uu qaaday ururka Xisbul Islaam ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo uu kusoo qabqabto burcad dhibaatooyin ka geysanaysay jidadka isku xira Gobollada Shabeellada hoose iyo Bay kuwaasoo tiradoodu gaarayso 70-ruux.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya