Xildhibaanno taageeray shir lagu sameynayo maamul goboleed u gaar ah gobollada Koonfur-galbeed ee Soomaaliya

Axad, December 27, 2009(HOL): Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda Bay iyo Bakool oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa taageeray qorshe lagu dhisayo maamul goboleed u gaar ah Gobollada koonfur-galbeed ee Soomaaliya, kaasoo ay wadaan mas'uuliyiintii horay looga qabsaday Gobolladaas iyo Xildhibaanno dowladda Soomaaliya ka tirsan.

Xildhibaan Max'ed Sheekh Cali oo ka mid ahaa mudanayaashii kulankii maanta ka qaybgalay ayaa saxaafadda uga warramay wixii kasoo  baxay kulankooda isagoo sheegay inay taageereen maamulka loo sameynayo 6-da gobol ee koonfurta Soomaaliya ee kala ah Bay, Bakool, Gedo, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Shabeelaha Hoose.

"Shirka waxaa ka qaybgalay dhammaan xildhibaannada kasoo jeeda Gobollada la sheegay in maamulka Federaalka ah loo samenayo, waxaana taageernay qorshaha, kaasoo noqon doona mid gobolladaas u xaara waddo horumareed" ayuu yiri Xildhibaan Max'ed Sheekh Cali.

Xildhibaanku wuxuu sheegay in 122-mudane oo kasoo jeeda gobolladaas kuna kala sugan dalka iyo dibaddiisa ay taageereen qorshaha, wuxuuna caddeeyay in maamulkaas uu yahay mid waafaqsan nidaamka Federaalka ee ay ku dhisan tahay Dowladda Soomaaliya

Aadan Max'ed Nuur (Saransoor) oo loo doortay afhayeenka kulanka maamulkaas lagu dhisayo, oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid aasaas ah, balse ay marka hore gacantooda kusoo celinayaan gobolladan oo ay ka taliyaan kooxaha Dowladda kasoo horjeeda.

Qorshahan ayaa la kulmay mucaaradad kaga timid xubno ka mid ah kuwii horay looga qabsaday gobolladaas kuwaasoo uu ka mid yahay Xasan Macallin Axmed (Biikole) oo ka mid ahaa mas'uuliyiintii Gobolka Bay.

Xasan Biikole ayaa sheegay in marka hore ay tahay in gacanta dowladda lagu soo celiyo degmooyinka iyo gobollada loo sameynayo maamulka, isagoo sheegay in haddii aan taas la sameyn ay maamul u sameynta gobolladaas u muuqato mid la mid ah Shimbirayahow heesa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya






Axad, 27, Dec, 2009 (HOL): dagaalkan oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Xoogag u daacad ah Xisbul Islaam ayaa wuxuu ka dhacay duleedka Bari ee Magaalada Beledweyne.

Axad, December 27, 2009(HOL): Afhayeenka Golaha Dhaqanka Beelaha Hawiye C/llaahi Xasan Abuukar (C/llaahi dheere) oo maanta saxaafadda Muqdisho la hadlay ayaa dhaliil u soo jeediyay dastuur u sameynta Magaalada Muqdisho ee ay waddo dowladda Soomaaliya.

Axad, December 27, 2009(HOL): Burcadbadeed Soomaali ah oo haysta markab laga leeyahay dalka Shiinaha iyo 25-shaqaale ah oo la socda ayaa sheegay inay sii daynayaan Markabka, kaddib markii ay heleen qayb ka mid ah lacago madaxfurasho ah oo ay horay u dalbadeen.

Axad, December 27, 2009(HOL): Mas'uul ka tirsan Ururka Xisbul Islaam ayaa u sheegay warbaahinta inay kusoo qabqabteen 70-burcad ah howlgallo lagu sugayay ammaanka oo ay ka sameeyeen ciidamadooda inta u dhexeysa Degmooyinka Wanlaweyn iyo Buurhakaba oo kala ka tirsan Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Bay.

Axad, 27, Dec, 2009 (HOL) Xarunta ururka Kanava ee caasimadda Finland Helsinki ayaa maanta waxaa ka dhacay kulan ay kasoo qayb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee dalkaas ku dhaqan, kulankan oo ah kiin uu horeeyey ee noociisa ah ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda aadka u adag ee uu wadankii hooyo ku jiro iyo waajibka ka saaran qurbo joogta sidii ay xaaladaas wax ka badeli taankeeda uga qayb qaadan lahaayeen, gaar ahaan reer Finland.

Axad, 27, Dec, 2009 (HOL) Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar gaadmo ah oo xalay kooxo hubeysan ku qaadeen gaari ay la socdeen Ciidamda Ururka Xisbul Islaam ee gacanta ku haya Magaalada Beledweyne, goob aan sidaa uga fogeyn saldhig Ciidamada Ururka Xisul Islaam ku leeyihiin halka lagu magacaabo Faaf-gumare ee duleedka Beledweyne.

Somali News

12/27/2009 2:29 PM EST
SANA'A (Saba) - Nearly 96 Somali refugees have arrived in Yemen, including 28 women and seven children.

12/27/2009 2:01 PM EST
The speaker of Somalia's parliament has called on absent lawmakers to return to the capital within 10 days.

12/27/2009 6:13 AM EST
It's impossible to consider Somalia's pirates in a vacuum. The evolution of piracy in Somalia is inextricably linked to the collapse of Somalia as a nation state, ravaged by conflict between rebels and government troops.

12/27/2009 6:04 AM EST
The London-based terrorist who attacked a US airliner on Christmas Day tried to bring down the plane by mixing two explosive compounds using a hypodermic syringe

12/27/2009 4:55 AM EST
Somalia can achieve peace. Much of the country already has the ingredients for it, but simply lacks a cohesive government with a unified strategy for security and development.

12/27/2009 4:47 AM EST
Over several months, in a whole series of resolutions from IGAD, the AU Peace and Security Council and the AU Heads of State and Government Summit, and most recently with last week’s International Contact Group (ICG) declaration in Jeddah, Saudi Arabia, the international community has time and again announced its

12/27/2009 4:35 AM EST
MOGADISHU (Reuters) - A helicopter dropped a $4 million ransom payment on Sunday onto the deck of a Chinese coal ship hijacked by Somali pirates in mid-October, a pirate source on board the vessel said.

12/27/2009 4:27 AM EST
A few months ago the story about al-Qaida was how, under pressure in Afghanistan and Pakistan, it had largely been unravelled and its operational abilities degraded. Now, after the attempted downing of a US jet bound for Detroit
Click here