4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 22, 2009
Dowladda Soomaaliya iyo Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin oo siyaabo kala duwan uga hadlay dagaalkii shalay ka dhacay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.
Talaado, 22, Dec, 2009 (HOL) Taliye Ku-xigeenka Ciidamada Daraawiishta Dowladda Soomaaliya Afrax Cali Afrax oo uga warramay Warbaahinta dagaallo maalintii shalay ku dhaxmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kooxaha ka soo horjeeda wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, ayaa sheegay in uusan aheyn dagaal u balaaran sida warbaahintu u buun buunisay.
 
Afrax Cali Afrax waxaa uu intaa ku daray in kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya isku dayeen in ay soo weeraraan fariismo Ciidamada Dowladdu ku leeyihiin Wadada isku xirta Afgooye iyo Muqdisho si ay u carqaladeeyaa ayuu yiri isu socdka wadada oo ah tan kaliya oo ay isticmaalaan dadkii ka barakacay Magaalada Muqdisho.
 
''Waad Og-tihiin kooxaha Dowladda ka soo horjeeda haddii ay Meel Qoriga Sabanka ah ka soo tuuraan markiiba Warbaahinta ayeey kula cararaan si ay ugu helaan wax xoogaa dhaqaale ah' ayuu yiri Afrax Cali Afrax oo sheegay in kooxahii weerarka ku soo qaaday dhirbaaxo lagu dhuftay.
 
Laakiin Af-hayeen Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin Shiikh Cali Max'uud Raage (Shiikh Cali Dheere) ayaa sheega in ay weerareen sida uu hadalka u yiri Xarumo dadka lagu dhibi jiray islamarkaana baad looga qaadan jiray, waxaana uu intaa raaciyay in dagaalkii maalintii shalay dhacay ay ku dileen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda islamarkaana ay ku furteen hub iyo saanad intaba.
 
Wararka iska soo horjeeda ee ka soo kala baxaya Saraakiisha Dowladda Soomaaliya iyo Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin ayaa muuqanaya kuwa loogu talagalay uun Warbaahinta, laakiin waxaa xusid mudan in saakay wadadu tahay mid furan oo isticmaalayaan gadiidka isaga goosha Muqdisho iyo Afgooye, walow haddana wali xiisado taagan tahay.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]