Arbaco, 10 June 2009 (HOL): Qoraal sir ah oo lagu socodsiiyay Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland Jaamac Maxamuud Cumar (Sweden) iyo xubnaha kale ee Komishanka Doorashooyinka, isla markaana uu qoray xubin ka mid ah 7-da xubnood ee Komishanku, ayaa shaaca ka qaadday fadeexado iyo Musuq-maasuq soo wajahay Guddida Doorashooyinka Somaliland.
Qoraalkan oo nuqul ka mid ah uu helay HOL, ayaa isaga oo dhammaystiran wuxuu u dhignaa sidan;
“Waxaan aaminsanahay ‘in Komishanku ku guulaysan karo koox iyo midnimo, iyadoo aan qofna keligiis u guulaysan karayn’.
Mudaneyaal, qoraalkaygan wuxuu salka ku hayaa Anigoo isu soo jeedinaya ka dib markii is eedayn ay ka soo yeedhay dhexdeena iyo idinkoo I siiyay kalsooni aan ku hawlgalo. Qoraalku wuxuu ka kooban yahay eedaha dhexdeena jira, iftiiminta duruufaha Komishanka iyo talo soo-jeedin. Waxaan ku kalsoonahay inaad tifaftirtaan wixii qoraalka dheer ama ka dhiman iyo in aan si wadajir ah ula nimaadno maarayn dhab ah oo lagag gudbi karo duruufaha inagu hareeraysan.
Iftiiminta duruufaha KDQ
Waxa ayaan-daro weyn ah Komishanku inuu maanta ku sugan yahay duruufo aad u qalafsan sida:-
-Komishanku wuxuu lumiyay kalsoonidii xisbiyada uu u adeegayo iyo wada shaqayntii hay’adaha Caalami ee laga sugayo maalgelinta iyo horumarinta hanaanka Dimoqraadiyadda iyo Doorashooyinka.
- Komishanku wuxuu u qaamaysan yahay shaqaalaha uu masuulka ka yahay iyo ganacsatada uu la macaamilayay, iyadoo daynta la inaga sugayaa ay ku dhawdahay US Dollars 500,000 (shan boqol oo kun).
- Waxa intaa dheer iyadoo Komishanka dhexdiisa ay taalo tafaraaruq, kalsooni-daro iyo wada-shaqayn la’aan.
Haddaba, si aynu uga baxno duruufahaa waxa aan laga maarmayn in aan is kor taagno runta, ka dibna si cad u wada baadi goobno xalka.
-Duruufaha Dhaqaale
A. Xukuumadda
Hawlgalka Komishanku waa xil qaran oo Xukuumaddu balan kula gashay shacabka iyo bulshada Caalamka. Iyadoo la rabay in wax kasta oo kale laga hormariyo fulinta ballankaas, waxa muuqata debecsanaanta ka jirta Komishanka iyo hagrashada dhinaca Xukuumadda, taasoo keentay dib-u-dhac waxyeelo ku ah Komishanka iyo geedi-socodka hannaanka doorashooyinka. Sidaas darteed, waxaan halkan ku xusayaa dhaqaalaha ku baaqday dhinaca Xukuumadda oo kala ah sidan:-
-SL Sh 598,461,800 (Miisaaniyaddii sannadka 2009, marka laga reebo saddex-biloodkii koowaad, iyadoo Wasaaradda Maaliyadda laga codsaday sii-dayntii Miisaaniyadda lix-biloodka dhexe, sida ku cad qoraalka Komishanka sumadKDQ/XK/700/2009 ee 15/04/2009).
-Sl. Sh. 250,000,000 (Kabka Miisaaniyadda 2009).
-Sl. Sh. 8.000.000.000 (hirgelinta doorashada Madaxtooyada).
- Sl. Sh. 2.500.000.000 (Kabka Miisaaniyadda doorashada).
- US Dollar 176.000 (Daynta ku taagan Komishanka ee 15/03/2009).
Ku-tagrifalka Xisaabaadka:
-Waxa xusid mudan in hoggaanka Komishanka lagu eedaynayo inuu ku tagrifalay xisaabaadka, iyadoo aan soo xiganayo eed xubnaha Komishan dhexdiisa ka soo yeedhay, taasoo aan lagu qancin qaabkii hoggaanku u maamulay lacag dhan US 40.000 oo sida la sheegay ka soo baxday Khasnada dhexe ee dawladda, iyadoo u qorshaysnayd gunooyinka xubnaha Komishanka iyo hawlgalka.
- Sidoo kale, waxaan soo ogaaday hay’adda Interpeace inay aad u dhaliilayso xisaab-celintii Komishanka, iyagoo warbixintii Hanti-dhowrka Komishanka ku tilmaamay Ku-tagrifal xisaabeed oo loo badheedhay, taasoo keentay maanta daymaha yaryar oo ay bixinayaan inay si toos ah ula xidhiidhaan dadka leh, iyadoo aan loo marin Komishanka.
Maamul-xumada Komishanka:
Ka sokow qodobada aan kor ku xusay oo dhamaantood ka tarjumaya maamul-xumada Komishanka, sidoo kale, waxaan kor-kaxaadinayaa qodobo kale oo loo aanaynayo KDQ.
-Hantida Komishanka ee baylahda ah waxaan ka xusayaa qalabka Xafiisyada, qalabka xog-ururinta iyo gaadiidka oo dhamaantood la sheegay inay si dacdaro ah ugu filiqsan yihiin dhamaanba gobollada dalka, iyadoo weliba Komishanka ay ku sii socoto kirada xafiisyada, taasoo laga maarmi lahaa haddii uu jiri lahaa maamul hufan – markii uu dhamaaday hawlgalka Diiwaangelintu (qoraalka KDQ/XK/701/2009 ee 06/05/2009).
-Sida ku cad qoraalka Agaasimaha Guud ee Komishanka, waxa lagu tagrifalay isticmaalka Shidaalka, iyadoo bil gudaheed lagu dhameeyay qorshihii saddex-biloodka. Siday Xoghayntu sheegtay awoodaha uu ku baxay Shidaalkaa dheeraadka ah, waxay kala yihiin sidan;-
a) 990 litir amarka Guddoomiyaha
b) 415 litir amarka Guddoomiye Ku-xigeenka
c) 225 litir amarka Agaasimaha Guud
d) 60 litir amarka Xildhibaan Axmed Bidaar
e) 50 litir amarka Xildhibaan Maxamed Yuusuf
f) 30 litir amarka Xildhibaan Ismaaciil Muuse.
Sumcadda Komishanka (Siyaasadda):-
Eedda loo hayo Komishanka waxaan ka soo qaadayaa qodobadan soo socda:-
i)Komishanku wuxuu hanan waayay kalsoonidii labada xisbi Mucaarad, kuwaasoo dhawaan soo jeediyay in la kala diro Komishanka. Arrintaas macnaheedu waxa uu yahay in aan luminay laba ka mid ah saddexda dhinac ee aanu u xilsaaranahay u garsooridooda.
ii) Komishanku waxa uu sidoo kale lumiyay hanashadii Interpeace iyo Deeqbixiyeyaalka, iyadoo sida la inoo sheegay hay’adda Interpeace soo jeedisay in aanay la shaqayn karayn xubnaha Komishanka. Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu inoo sheegay in aanu la shaqayn karayn wakiilka Interpeace.
iii) Komishanku wuxuu ka baaqday dhexdhexaadintii xisbiyada Qaranka. Kaalintaas waxa buuxiyay guddigii Kormeerka oo hoostaga Komishanka, halkaas oo Komishanku ku mutaystay yasmo iyo magac-xumo.
iv) Inkastoo Komishanka laga sugayaa inay sii amba qaadaan dhexdhexaadintii, ayaan-daro, ilaa hadda ma muuqato kalsooni aan ku hanan karo xisbiyadii cabashadu ka timi.
v)Dhinaca kale, Komishanka oo ilaa hadda aan qaban wax doorasho ah, dhaliilaha loo soo jeedinayo waxa ka mid ah;
a) Komishanku inuu ku degdegay natiijooyinkii isburinayay ee hordhaca Diiwaangelinta gobollada Awdal, Maroodi-jeex, Togdheer, Sanaag iyo Sool, iyadoo gobollada qaarkood ay ka soo yeedheen afar natiijo oo kala duwan. Arrintan oo mar lagu eedeeyay Guddoomiyaha, mar kalena Guddoomiyaha Diiwaangelinta, waxay shaki gelisay kalsoonida Komishanka, iyadoo la sii odorosay halista ka iman karta ku dhawaaqida natiijada doorashada Madaxtooyada.
b) Komishanku intii uu xilka hayay waxay doorashooyinku dib u dhaceen saddex jeer, iyadoo laba jeerna la kordhiyay xilka Madaxtooyada.
c) Waxa Komishanka lagu eedaynayaa inuu sabab u yahay muranka siyaasadeed ee dalka ka oogan, ka dib markii ay ku dhawaaqeen in doorashadu qabsoonto 29/05/2009. Xilliga la qabtay wuxuu baalmarsanaa Distoorka dalka mar haddii xilka Madaxweyne ku ekaa xilligaa ka hor. Sidoo kale, maalinta la qabtay waxa lagu sheegay mid garab marsanayd Xeerka doorashooyinka iyo maangalka weliba, iyadoo arrinta loo arkay in laga hororsaday xisbiyada Qaranka. Xubno Komishanka ka mid ahi waxay eedan ku sheegeen arrin abuurtay muran uu Komishanku ku lumiyay kalsoonidii bulshada.
d) Komishanku muddadii ay xilka hayeen, waxay dhexdooda ka doorteen saddex Guddoomiye, laba Guddoomiye ku-xigeenka iyo laba Guddoomiye Diiwaangelin iyagoo weli aan doorasho qaban.
Talo-soo-jeedin:
Run ahaantii qodobada kor ku xusan oo mudnaa in xubnaha Komishanku iskood u baneeyaan xilka ay umadda u hayaan iyo iyadoo ilaa hadda aanay taasi inaga muuqan, waxaan talo ku soo jeedinayaa dhowr qodob oo aan filayo inay soo celin karaan kalsoonidii Komishanka.
Maaraynta Dhaqaalaha iyo la-shaqaynta Interpeace:-
-Waxaan ku talinayaa in si degde ah, mar kale la magacaabo Hanti-dhowre soo celin kara kalsoonida Deeqbixiyaha, anigoo soo jeedinaya adeegsiga Hanti-dhowre Daahir Salaan, kaasoo hore ula soo shaqeeyay Komishankii hore, isla markaana kasbaday kalsoonida Deeqbixiyaha.
-Waxa lagama maarmaan ah in si degdeg ah iyo wadajir aan ugu hawlgalo sidii ay ku soo xeroon lahayd Miisaaniyadda Komishanka iyo qaybtii Xukuumadda ee kharashka doorashooyinka, taasoo shardi u ah la-xisaabtanka Deeqbixiyaha.
-Si loo helo maamul hufan, waa in si degdeg ah loo saxo hab maamulka Dhaqaale, Xeer-hoosaadka iyo awoodaha Komishanka iyo heshiiska aan la galay Interpeace.
-Waa in dib loo eego xilalka xubnaha iyo shaqaalaha Komishanka, si loo hubiyo xil kastaa inuu gacanta u galo cidii ku haboonayd.
-Waa in la joogteeyaa shirarka Komishanka, iyadoo loo yeelayo hab-socodsiin iyo eray-qaadis qoraal reebta.
Maaraynta Siyaasadda:-
Si aan u soo celino kalsoonidii umadda, xisbiyada qaran iyo shaqaalaha, waxaan ku talinayaa qodobada soo socda:-
-Waa in aan abuurno midnimo, wadajir, iskaashi iyo kalsooni dhexdeena ah, si loo guto xilka qaranku inoo igmaday.
-Si looga badbaado ku tacadiga xilka iyo hantida Qaranka, xubin kasta oo inaga mid ah waa inuu dib ugu noqdaa damiirkiisa, Distoorka qaranka, Xeerka doorashada iyo Xeer-nidaamiyaha aan yeelan doono.
-Iyadoo ay muuqato dhaliilaha hoggaanka Komishanku, waxaan ka digayaa koox inaga mid ah oo si gaar ah iyo cod hal-dheere ah ku magacawdo hoggaan cusub. Balse, iyadoo aan ognahay guddoonku in aanu awood ka lahayn xubnaha Komishanka, waxaan soo jeedinayaa inagoo wadajirna in hoggaanka ay ka timaado in aan xilka u igmano cidii kale ee kaga haboonaan karta.
Ugu dambayntii, waxaan soo jeedinayaa inagoo garbaha ka taagan Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenkiisa in aan si wadajir ah uga wada hawlgalo fulinta qodobada aan soo sheegay, iyadoo hoggaanka laga rabo sida ugu dhakhso badan kasbashada xisbiyada qaran iyo wada shaqaynta Deeqbixiyaha, taasoo haddii la waayo lagu khasban yahay ugu yaraan isbedel dhinaca hoggaaminta ah.
Codsi:
Qoraalkaygu wuxuu ku socdaa xubnaha Komishanka, sidaa darteed waxaan si xushmad leh u codsanayaa inuu ku koobnaado gacanta xubnaha Komishanka. Waxaan ka digayaa saamaynta uu ku keeni karo dhamaanteen, haddii ceebteenu u gacan gasho nacab.”
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland