Maamulka Islaamiga ah ee Degmada Baardheere oo Burburiyay Qabuuro hor leh

Arbaco, June 10, 2009(HOL): Howlaha qabuuro burburinta ayaa weli ka sii soconeysa Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo taas oo ay wadaan Maamulka Islaamiga ah ee gacanta ku haya Magaaladaasi Baardheere oo kamid ah degmooyinka gobolka Gedo.
 
Habeenimadii xalay ayaa la burburiyay Qabriyo ku yaallay Duleedka Magaalada Baardheere halkaasi oo la sheegay in ay ku duugnaayeen dad caan ka ahaan jiray Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, waxaana ay Maamulka Islaamiga ah ee halkaasi ka taliyo sheegeen in ay sii wadayaan howlaha lagu burburinayo Qabuuraha ay ku tilmaameen in aysan shareecada waafaqsaneyn.
 
Afhayeen Saaka u hadlay Maamulka Degmada Baardheere oo lagu Magacaabo Sheekh C/dheere ayaa sheegay in ay qabuuraha ku yaalla deegaankaasi ay yihiin kuwo lagu sameynayay waxyaabo shirki ah, sidaas darteedna ay waafajinayaan Shareecada Islaamka.
 
Dhawaan ayay ahayd markii qabuuro faro badan lagu burburiyay Magaalada Baardheere ayadoo nidaamka Qabuuro burburinta ee Magaalada Baardheere uu todobaadkii la soo dhaafay ugu badnaa.
 
Horana waxaa Maamulka Magaaladaasi ay u burburiyeen Qabuuro ku yaallay gudaha magaalada taas oo inta badan ay si weyn uga soo horjeesteen Dariiqada Suufiyada kuwaasoo kaddib ay isku dheceen Maamulka ka taliya Magaaladaasi, markii looga awood roonaaday Dagaalkii ka dhacay Magaaladaasina ay u carareen Magaalada Doolow ee Xadka labadadal ee Soomaaliya iyo Itoobiya.
 
Hiiraan Online
Kismayo, Somalia