Dowladda Faransiiska oo sheegtay in Saraakiil dhinaca amniga ah oo caawinayay Dowladda Soomaaliya Muqdisho lagu af-duubtay

Talaado, July 14, 2009(HOL): Labo Sarkaal oo ku shaqeynayay qaab la-taliyenimo dhinaca Amniga ah ayaa maanta lagu af-duubtay magaalada Muqdisho, iyadoo saraakiishaasna ay marti u ahaayeen Dowladda Soomaaliya oo ay kala talinayeen dhinaca Amniga.

Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadad Faranisiiska ayaa lagu sheegay in labada nin oo saaka laga af-duubtay Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho ay howlgal rasmi ah ku joogeen magaalada Muqdisho.

“Waxay taageero dhinaca amniga ah siinayeen  Dowladda Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay Shiikh Shariif Shiikh Axmed, waxaana saaka af-duubtay kooxo hubeysan oo kala baxay Hotel ay Muqdisho ka deganaayeen”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Faransiiska.

Dad goob-joogayaal ayaa sheegay in saaka subaxnimadii ay Kooxo hubeysan ay xoog ku galeen Hotelka Saxafi oo ay saraakiishaas deganaayeen, kadibna ay kaxeysteen iyagoo la aaday dhinaca Xaafadda Taleex ee Degmada Hodan. Intii aanu soo bixin warkan ay sii deysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Faransiiska waxaa saaka jiray warar sheegayay in ragga la af-duubtay ay yihiin Wariyayaal.

Waxaa cajiib ah in halka laga afduubtay Raggan Ajnabiga ah ay tahay goob aad ammaankeeda loo ilaaliyo, isla markaana ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom, inkastoo kuwa Amisom aysan ka soo degin daaraha u dhow Isgoyska KM4 oo Hotelka Saxafi uu ku yaallo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya