Ururka XIsbul Islaam oo sheegay in Ciidamada Amisom ay doonayaan in ay xasuuq ka geystaan Magaalada Muqdisho

Talaado, July 14, 2009(HOL): Ururka Xisbul Islaam ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada Amisom ay xasuuq ka geysanayaan Magaalada Muqdisho, isla markaana ay si aan kala sooc lahayn ay u duqeynayaan Magaalada Muqdisho.

Shiikh Muuse Carraale oo ka mid ah Afhayeennada Xisbul Islaam ayaa sheegay in Ciidamada Amisom ay bilaabeen in ay taangiyo iyo madaafiicda goobta adeegsadaan kaddib markii ay dagaal xooggan kala kulmeen xoogaggooda, wuxuuna caddeeyay in ay taasi muujineyso cadaawad sida uu yiri  ay Ciidamada Amisom u qabaan Dadka Soomaaliyeed.

“Qolyahan Jibouti lagu soo macmalay iyo Ciidamada Cadawga ah ee ay kaashanayaan intaba awooddooda waa jabtay, haddana waxay gadaal u galeen meelihii ay baaqiga ku ahaayeen, Mujaahidiintana waa sii daba socdaan”ayuu yiri Shiikh Muuse Carraale.

Shiikh Muuse Carraale waxa uu sheegay in ay Xoogaggooda gacanta ku hayaan inta badan Magaalada Muqdisho, wuxuuna caddeeyay in ay qorsheynayaan in ay la wareegaan guud ahaan magaalada Muqdisho.

Hadalka ka soo baxay Shiikh Muuse Carraale ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalmihii aynu ka soo gudubnay ay magaalada Muqdisho ka dhaceen dagaallo culus oo dhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo Xoogagga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo iyana isku dhinac ah. Dagaalladaas ayaa waxay geysteen khasaare soo gaaray dad rayid ah iyo weliba dhinacyada dagaallamaya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya