Xildhibaannada ka imaanaya Isbaheysiga Dib u xoreynta oo la dhaariyay

Cabirka Farta

Arbaco, January 28, 2009(HOL): Waxaa ka dhacday Guriga Umadda Jibouti xaflad lagu dhaarinayo 200 Mudane oo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya uga mid noqonaya Baarlamaanka Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya.

Xafladda dhaarinta ayaa waxaa ka qeybgalay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah,Wakiillo kale oo ka socda Beesha Caalamka iyo Mas'uuliyiin ka socda Dowladda Jibouti, waxayna mudanayaasha oo uu magacooda ku dhawaaqayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe ay ku dhaarteen magaca Illaahey, iyagoo caddeeyay in ay si daacad ah xilalkooda u gudan doonaan.

Dhaarinta Xildhibaannadii ka yimid Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo lagu bilaabay Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa waxay ka dhigan tahay in la isku daray Xildhibaannadii Dowladda Federaalka iyo kuwa Isbaheysiga, inkastoo ay weli harsan yihiin 75 Mudane oo uu Isbaheysiga u reebay Mucaaradka weli ka maqan geedi-socodkan xalka loogu raadinayo Soomaaliya iyo dad kale oo aan looga maarmi karin xal u helidda mushkiladda Soomaaliya.

475 Mudane oo haatan laga hayo Baarlamaanka Dowladda Midnimada Qaran ee la dhisayo ayaa maalinta Sabtida ah ee soo socota waxay dooran doonaan Madaxweynaha Dowlad-Midnimo-Qaran oo ay Soomaaliya yeelato, kaasi oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn midka uu noqon doono musharixiin badan oo qabashada jagadaas isu soo sharaxay.

Dhanka kalena, Baarlamaanka TFG-da ayaa intii aysan bilaaban dhaarinta Xildhibaannada cusub wuxuu si aqlabiyad leh ugu codeeyay in la kordhiyo Waqtiga Baarlamaanka Soomaaliya, waxayna ka dhigeen 2 sano iyo 8 bilood oo isugu jirta inta harsan waqtigii Waqtigii TFG-da iyo labo sano oo ay jiri doonto Dowladda cusub.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia